Dawladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay Qaxoonti Soomaaliyeed oo ay Somaliland Badda ku xayirtay

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaaraysay kala Soocid Somaliland ay ku sameysay Qoxoonti Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka taagan waddanka Yemen, kuwaasoo Markab ay ka soo raaceen Xeebaha dalkaa dagaalku ka socdo ku soo gaadhay Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA FEDERAALKA SOOMAALIYA CABDISALAAN CUMAR HADLIYE

Qaxoontiga, ayaa Doontii sidDay ay kusoo xidhtay Dekedda Berbera Jimcihii, balse loo diiday inay kasoo degaan, tallaabadaas oo dawladda Soomaalilya ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in tallaabadan ay ku kacday Somaliland tahay mid aad u fool-xun oo aanu weligii filaynin inay dhici karto in dad Soomaaliyeed oo loo diilo dal Soomaaliyeed.

“Waxa wax lala yaabo ah in dadka Soomaaliyeed ee kasoo qaxaya Yemen, qaar ka mid ahna la soo dhaweeyo kuwo kalena loo diido inay dhulka ku soo degaan, haddii sidaas ay xaaladdu tahay waxaan ku tilmaami lahaa mid aan loo dulqaadan karin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye.

Wasiir Hadliye, ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay labaduba xaq u leeyihiin in lagu caawiyo qoxoontiga ay soo dhaweynayaan, isagoo xusay in sidoo kale ay ka hortagaan kooxaha argaggixisda ah ee kusoo dhex-dhuuman kara dadka ka soo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen ee ka soo degaya Dekedaha magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ee Puntland iyo Somaliland.

Waxaanu Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo yidhi; “Soomaalida waxa magan siiya Gaalo iyo Muslim. Markaa, waxa la yaab leh in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu yidhaahdo dad Soomaali ah oo dalkooda kusoo laabanaya in loo diido inuu kasoo dego Dekedda.”

Wasiirka oo sii hadlaya, ayaa sheegay in sharciga caalamiga ah uu qabo in qof walba oo Soomaali ah uu degi karo kuna noolaan karo Soomaaliya oo dhan, waana wax laga xumaado oo laga yaqyaqsoodo in Somaliland ay kala soocdo Shacabka Soomaaliyeed.

“In dad kasoo cararay dhibaatooyin in la yiraahdo dalkeenna kama soo degi kartaan waa wax kasoo horjeeda Islaamnimada, Soomaalidnimada iyo sharciyada adduunka, marka waxaan ku talinayaa in dadka nasiibka u yeeshay inay colaadaha ka socda Yemen kasoo baxsadaan lagu soo dhaweeyo dekedaha dalka oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye.

Hadalkan Wasiir Hadliye, ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland u diidday inay ka soo degaan Markabkii ay saarnaayeen Qaxoonti Soomaaliyeed oo ka soo qaxay dagaallada Yemen ka socda, isla markaana soo gaadhay Dekedda Berbera, halka intii Somaliland iyo Yemen u dhalatay la soo dhaweeyey, inkastoo markii dambe kuwii reer Soomaaliyana la soo dejiyey, haddana muddo ayaa lagu jactadiyey oo ay dul-saarnaayeen Markabkaas.

Xukuumadda Somaliland, ayaa Sabtidii maanta sheegtay inay ka noqotay go’aanka ay shaacisay 24-kii bishan inay ku joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee Yemen ka soo qaxaya, ka dib markii ay kulammo yeesheen Hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood, waxay sheegtay inay fasaxday in qaxoontiga Soomaalida ahi yimaaddaan Berbera, isla markaana ay Hay’adaha isla qaateen in la qaabbilo Qaxoontigaas oo ay markii hore diideen Hay’aduhu, immikana aqbaleen in qof walba deegaanka uu rabo la gaadhsiiyo oo kharashka laga bixiyo.

 Xukuumadda Somaliland, ayaa 24-kii bishan dhammaadka ah ee May joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya Yemen ee kak soo degaya Dekedda magaalada Berbera, ka dib markii ay ku sababeysay go’aankaas inay jiraan arrimo ammaan-darro iyo cabsi laga qabo inay kusoo dhex dhuuntaan dad argagixiso ahi iyo weliba kooxda dagaalka kula jirta dawladda Yemen ee Xuutiyiinta.

Sidoo kale, waxay Somaliland ku doodday inaanay awood dhaqaale u haynin Qaxoontigaas, maaddaama oo ay Hay’adaha caalamiga ahi kaga baxeen ka qayb-qaadashada qaabbilaadda Qaxoontiga iyo sidoo kale wax la qabashada ama wax tarka dadkaas, base waxay hadda ku doodday inay dib u fasaxday markii xal loo helay labadaas qodob ee marka hore-ba culayska ku keenay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.