Ujeeddada Safar Wefti Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayaa ku tagey Berbera & Sida loo soo dhaweeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Marwada Koowaad iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka ambabaxay Caasimadda Hargeysa, isla markaana u socdaalay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo uu Mashaariic laga hirgeliyey ka furi doono Axadda Berri sida la qorsheeyey.

DSC_0123

Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera, halkaasoo ay ku qaabbileen dadweynaha reer Berbera qaar ka tirsan iyo Masuuliyiinta heer degmo, gobol iyo weliba kuwa laamaha kala duwan ee dawladdu ku leedahay Berbera, waxaanay Masuuliyiinta Degmada Berbera iyo gobolka Saaxil kaga horyimaaddeen Madaxweynaha iyo Weftigiisa magaalada Dacarbudhuq ee degmada Laas-geel, halkaas oo ay uga sii galbiyeen dhinaca magaalada Berbera ee Safarka Madaxweynuhu ku ekaa.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Tuulooyinka u dhexeeya magaalooyinka Dacar-budhuq iyo Abdaal ee gobolka Saaxil, halkaasoo ay dadweynsuhu lulayeen Caleemo qoyan iyo Calanka Somaliand, kuna dhawaaqayeen Weedho ay ku qaabbileen Madaxweynaha iyo Weftigisa oo soo dhawayn ah. Kuwaasoo uu Madaxweynuhuna isagoo gaadhigiisa ku jira Gacanta u taagayey oo uu ku salaamayey si guud.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa furi doona Mishiinka baadhista Tayada Shidaalka (Lap) oo loo keenay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee loo sameeyo Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland ee Berbera, qaybo lagu kordhiyey Dekedda Berbera iyo Mashaariic Waddooyin ka mid yihiin oo ay hirgelisay dawladda hoose ee magaalada Berbera, Shirkad sharci-darro ah oo qoska Madaxtooyadu ka hirgeliyeen Dekedda Berbera oo lacag lagaga qaadayo aan Golayaasha Sharci-dejinta la marin Gaadiidka ka soo dega Dekeda Berbera.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.