Maareeye Cali Xoor-xoor oo ka hadlay Qorshaha Xukuumaddu ku Dhaxal-wareejinayso Dekedda Berbera

Berbera(Aftahannews):- Maareeyaha Dekedda magaalada Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) iyo qaar ka tirsan Madaxda Waaxyaha Dekedda Berbera, ayaa Isniintii ka hadlay qorshaha ay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ku doonayso inay ku dhaxal-wareejiso Maamulka Dekeddaa, isla markaana ay Shirkado ajaanib ah ugu gacan-geliso, taasoo Xubno badan oo Xukuumadda ka tirsani hawlgallo dillaalnimo ah ugu jiraan sidii Kooxiba shirkad ay wadato loogu wareejin lahaa Maamulka Dekedda.

Shir Jaraa’id oo ay Maareeyaha iyo Madaxda Waaxyaha Dekedda Berbera ku qabteen gudaha Dekedda, ayay kaga hadleen qorshahaas, waxaanay sheegeen inaanay Dekedda Berbera u baahnayn in cid lagu wareejiyo, hase-ahaatee ay u baaha  tahay Maalgelin caalami ah oo lagu horumariyo adeegyadeeda kala duwan iyo guud ahaanba Dekedda.

Halkan hoose ka Daawo hadallada Maareeye Cali Xoor-xoor iyo Xubnaha shirka Jaraa’id ku weheliyey kaga hadleen wareejinta Maamulka Dekedda Berbera oo toddobaadyadan aadka loo hadal-hayo, ka Daawo Muuqaalkan Hoose.

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.