Akaademiga Nabadda oo Shirweyne lagu dejinayo Siyaasadda Dhulka Somaliland ku qabatay Burco

Burco(Aftahannews):- Shirweyne laba maalmood soconaya oo lagaga hadlayo Siyaasaddii heer Qaran ee lagu maamuli lahaa guud ahaan dhulka Somaliland, ayaa Isniintii maanta ka furmay mgaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Akaademiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland.

Shirweynahan lagaga hadlayey Siyaasadda heer Qaran ee lagu hayo dhulka waddanka Somaliland, waxaa ka qaybgalay Wasiirro kala duwan oo Xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiinta Akaademiga, Xildhibaanno, Badhasaabyo, Maayerro, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin kala duwan oo Laamaha dawladda ka tirsan.

Hadalladii ay Masuuliyiinta kala duwan ee Shirweynahaas ka qaybgalay ka jeediyeen Furitaankiisii, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.