Wasiirro Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Socdaal ku tegay Cadaado oo Shir Nabadeed ka socdo

Muqdisho(Aftahannews):- Wefti Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta Safar shaqo ku tegay magaalada Cadaado ee uu ka socdo Shirka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta Beelaha wada dega gobollada Mudug iyo Galguduud iyo gogol-u-xaadhista Shirka Maamul-u-samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya.

WASIIRRO SOOMAALIYA KA TIRSAN OO CADAADO TEGAY

Xubnaha Wasiirrada ah ee Isniintii booqashada ku tegay Magaalada Cadaado waxaa ka mid ah; Wasiirka Qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Caynte, Wasiir-u-dawlaha Xafiiska Raysal-wasaaraha Federaalka Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi iyo Wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibadda, Axmed Cali Kadiye.

Wefdigan ayey Cadaado kusoo dhaweeyay Xubno uu ka mid ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xussen (Odawaa) oo toddobaadyadan ku sugnaa degmadaas iyo xubnaha Maamulka degmada.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Wasiirradan ay Cadaado u tageen sidii ay u dar-dar-gelin lahaayeen Shirka lagu dhisayo Maamulka Galguduud iyo Mudug, inkastoo aysan iyagu la hadlin warbaahinta.

Qaar ka mid ah Wasiirrada Safarka ku tegay magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb, ayey qaarkood xubno ka ahaayeen Weftigii uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminayey markii uu booqashada ku tegay gobol ka Galguduud ee badhamaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Socdaalka Wasiirradan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka tirsani ay ku tageen magaalada Cadaado, ayaa ku soo beegmaya iyadoo la filayo in toddobaadkan gudihiisa la soo xulo Ergooyinka ka qaybgalaya Shirka Maamul-u-samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Mudug iyo Galguduud.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Gaalkacyo, Galmudug/Somalia.