Dad badankoodu Soomaali ah oo Maraykanka loogu xidhxidhay Argaggixisa-nimo

Minnisotta(Aftahannews):- Sarakiisha Mareykanka ee gobolka Minnisotta ee dalkan Mareykanka, ayaa ku eedeeyay lix Nin oo gobolkaasi ka soo jeeda inay isku dayeen inay u safraan waddanka Suuriya si ey ugu biiraan Kooxda la baxday dawladda Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish ama ISIS.

IFB-da Maraykanka

Sida lagu sheegay eedeyntan oo la soo bandhigay Maanta oo Isniin ah, Raggan, ayaa loo heystaa inay maleegayeen iskuna dayeen inay taageero maadi ah siiyaan Urur-argaggixiso oo shisheeye.

War ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesotta, ayaa ku sheegay Raggan dacwadda lagu soo oogay, Maxamed Faarax, Adnan Faarax, Cabdirahmaan Daud, Guuleed Cumar, Hanad Musse iyo Zacharia Cabduraxmaan.

Raggan ayaa Warbixinta lagu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen Cabdi Nuur, oo ah Nin u tashkiiliya argaggixisada dhalinyarada reer Galbeedka. Raggan ayaa lagu sheegay warkan inay doonayeen inay u safraan Syria, iyagoo ka duulaya garoommada San Diego iyo New York City, laakiin Hay’adaha Ammaanka ay ka hor-joogsadeen.

Xeer-ilaaliyaha gobolka Minnisotta Andrew M. Luger, ayaa sheegay in xitaa iyadoo la hor-joogsaday Nimankaas inay safraan, ay haddana isku dayeen siyaabo kale oo ay dalka kaga dhoofaan, balse aanay ku guulaysan qorshayaasha kale ee ay doonayeen inay Maraykanka kaga baxaan ee ay Hay’adaha Ammaanku ka war-heleen, ka dibna la xidhay.

Gobolka Minnesotta oo ah gobolka dadka Soomaalida ugu badan ee dalka Maraykanka ku dhaqan ay ugu badan yihiin, ayaa hore waxa uga tegay ama uga dhoofay Dhalinyaro badan oo Soomaali iyo Ajaanib-ba isugu jira, kuwaasoo u Safray dalalka Carabta ee Ciraaq, Suuriya iyo Soomaaliya, halkaasoo ay kaga biireen Ururrada Xag-jirka loo yaqaanno ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Xigasho VOASOMALI.COM.