Tirada Ajaanibka iyo Soomaali ku dhintay Weerar Al-Shabaab ka fulisay Garoowe & qaabka looga hadlay

Garoowe(Aftahannews):- Malleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya dabar-goynta ka wadda, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerar ugu yaraan ay ku dhinteen 7 qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan daryeelka dhallaanka ee UNICEF, ka dib markii sida la aamminsan yahay uu qof isa-soo miidaamiyey isku qarxiyey Gaadhi Basaska yar-yar ee Bas-caasiga loo yaqaanno ah oo ay Shaqaaluhu saarraayeen isku qarxiyey, kaasoo markaas galayey Xarunta Hay’adda UNICEF ku leedahay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, illaa lix kalena way ku dhaawacmeen.

QARAXA GAROOWE EE UN-KA LALA BEEGSADAY

War-Saxaafadeed kasoo baxay caawa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Carruurta ee UNICEF, ayaa lagu sheegay in afar ka tirsan dadka dhintay ay Hay’adda ay u shaqaynayeen. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la tuhnsan yahay in uu sababay qof isa-soo miidaamiyay oo Gaadhiga Baska nooca Bas-caasiga loo yaqaanno ah oo Shaqaalaha siday uu isku qarxiyey.

Qaraxa, ayaa dhacay abbaaro 8-da subaxnino ee Isniintii maanta, waxaanu dhacay wax yar ka dib markii shaqaaluhu ay ka baxeen dhisme ay ka degganaaayeen magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Afarta qof ee ajaanibka ah, ayaa la sheegay inay kala yihiin; 2 u dhalatay dalka Kenya, mid u dhashay Uganda iyo mid u dhashay dalka Afghanistan.

Wasiirka Warfaafinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho-guran), ayaa sheegay in wareerkaas lagu qaaday Gaadhi Bas ah oo ay saareeyeen Shaqaalaha ka tirsanaa Hay’adda UNICEF ee magaalada Garoowe uu fuliyey qof isa-soomiidaamiyey.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal ee Puntland Axmed Cabdillaahi Samatar (Layli ), oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalad aGaroowe, ayaa sheegay in qof saarnaa gaadhiga Hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNICEF uu is qarxiyay, balse waxa uu ka gaabsaday in qofka is-qarxiyay ka mid ahaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo inkale.

Yuusuf Cali o ah Sarkaal Ka tirsan Ciidanka Puntland, ayaa Wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in qaraxu ka dhashay Bam lagu rakibay Gaadhiga UNICEF Shaqaaleheedu saarnaa ee Baska yar ahaa, ka dibna lagu hagayey waxa loo yaqaanno Rammuud Kaantarrool (Remute Cantrol). Isagoo Gaadhigaasi ku qarxay kidinka laga galo Xarunta Hay’adda Qaramada Midoobay ee magaalada Garooce ee Caasimadda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Afhayeenka Malleeshiyada Al-Shabaab u qaabbilsan hawlgallada argaggixisannimo iyo gumaadka Soomaalida, ayaa Warbaahinta Afkooda ku hadasha u sheegay in Ururka Al-shabaab ka dambeeyay fulinta weerarkan oo ay iyagu masuul ka ahaayeen, waxaanu yiri; “Waxaannu weerar ka fulinnay Garoowe. Waxaannu la beegsannay Cadawgayaga Qaramada Midoobay, waxaannu ku dilnay dad badan qaar kalena waannu ku dhaawacnay weerarkaas.”

Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaalida ee UNSOM ee magaalada Muqdisho Danjire Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid argaggixiso oo ay ka xun yihiin, waxaanu xusay inaanay dedaalkooda waxba ka beddeli doonin weerarrada Al-Shabaab, waxaanu yiri; “Arrintani waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, haddana waxay u mideysanyihiin sii wadidda hawlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii ku dhaawacmay ama wax ku noqdayba.”

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa geestiisa cambaareeyay weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid lagu soo qaaday Carruurta iyo shacabka Soomaaliyeed, maaddaama oo Shaqaalaha la weeraray ka shaqeeyaan arrimaha carruurta iyo waxbarashada Ubadka. Wuxuu ku baaqay in baadhis deg-deg ah lagu sameeyo sidii Qaraxu u dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu dawladda Maamul-goboleedka Puntland u soo jeediyey inay heegan geliyaan Ciidammadooda iyo Hay’adaha dhinaca ammaanka u qaabbilsan, isla markaana ay aad uga feejignaadaan oo aanay u dabcin argaggixisada oo hadda ku soo hadhay degaanno kooban oo Soomaaliya ka tirsan, weligana lagu daba-jiro sidii loo cidhib-tiri lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ee qaybta Codadka ama Raadyaha ee AFTAHANNEWS ka dhegayso Warbixin iyo Waraysiyo ay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ka diyaariyeen weerarkaas ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland/Somalia.