Dawladda Soomaaliya oo Sheegtay inaanay Somaliland Ajaanib ku wareejin karin Dekedda Berbera

Muqdisho(Aftahannews):- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inaanay Xukuumadda Somaliland haba-yaraatee cidna heshiis kula gelin karin wareejinta Dekedda Berbera, isla markaana haddii ay dhacdaba in Shirkad Shisheeye loo gacan-geliyo Dekedda Berbera ay Dacwadeeddu ka furmi doono Maxkamado caalami ah oo aan cidna loogu dul-qaadan doonin lagana aammusi doonin.

BERBERA DEKEDDA

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Faarax, ayaa sheegay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo lagu boobayo Dekedaha waddanka Soomaaliya, taasna aanay cidna ka aqbali doonin, hase-yeeshee, ay soo dhawaynayaan wixii horumarin iyo maalgelin ah ee Dekedaha dalka lagu samaynayo.

Wasiir Nuur oo ka hadlaya arrimahaas Dekedaha Soomaaliya ee Dekedda Berbera ay ku jirto, waxa uu yidhi; “Hadalkaygu wuxu daarran yahay, waxaad mooddaa inay dabayli socoto, ama waxa socda dhaqdhaqaaq, dhaqdhaqaaqaasi wuxu daarran yahay waxaad mooddaa in la boobayo Dekedihii Soomaaliya, ma odhanayo waa horumarin. Waxaannu u baahannahay in aan hubinno oo ogaanno in waxa lagu samaynayaa horumarin tahay, inay maalgelin tahay iyo in kale, hadday horumarin tahay iyo hadday maalgelin tahay-ba waannu soo dhawaynaynaa waan ku garab-taagannahay.”

“Dekedda magaalada Berbera runtii waa meelaha loo baahan yahay in la horumariyo, nolosha iyo mushtamada iyo maamulka iyo nidaamka halkaas ka jira laf-dhabar bay u ahayd, waxay ahayd hal irmaan oo ay maansho Somaliland Dekedda Berbera ayey u ahayd, waa meesha hammigaas, noloshaas iyo degganaanshahaasi ku xidhnayd.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Dekedaha Soomaaliya.

Wasiir Nuur oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Haddii tii la dhaawacayo oo six un loo dhaawacayo masuuliyaddu waxay nafaraysaa inaan laga aamusin, waa inaan laga aammusin, waa in laga hadlo, waa in la caddeeyo. Mana jiro Maamul heshiis ku geli kara ay Gacanta Soomaaliya kaga wareegto Dekedda Berbera oo Hargeysa fadhiyaa ma jiro maanta, waana la arki doonaa oo Maxkamad bay tegi doontaa iyo sharciye, waxaan leeyahay waa Hal irmaan oo aad maalaysaan Dekedda Berbera haddaad tihiin Maamulka Somaliland ee ummadda u haya.”

Hadalka Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Soomaaliya ka Daawo Muuqaalkan hoose:-

Waa markii ugu horreysay ee dawladda Federaalka Soomaaliya ka hadasho qorshaha ay Xukuumadda Somaliland doonayso inay Maamulka Dekedda Berbera ku wareejiso Shirkado Ajaanib ah, iyadoo ay jiraan dhawr shirkadood oo wadahadal u socdo Madaxtooyada oo danaynaya Dekedda Berbera sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 29-kii March 2015-ka Khudbad-sannadeedkiisii Dastooriga ahaa ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada.

Inkasta oo uu Madaxweyaha Somaliland sheegay inaanay jirin weli Shirkad si rasmi ah ay heshiis ula galeen, haddana waxa uu xusay inay afar shan shirkadood oo uu magacyadooda xusay inay ta ugu habboon oo horumarin karta Dekedda Berbera markay qiimeeyaan heshiis la gaadhi doonaan. Waxaana jira Wefti Khamiistii toddobaadkii hore u ambabaxay magaalada Dubay ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaasoo la sheegay inay halkaas Heshiis ku saabsan wareejinta Maamulka Dekedda Berbera ku kala saxeexan doonaan Shirkadda Dubai World (DPWORLD) oo ah Shirkad laga leeyahay Dubai oo ah Shirkad Maamusho Dekedo kala duwan oo dunida ah sida Dekedda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Soomaaliya Nuur Faarax, ayaa dhalasho ahaanna ka soo jeeda Somaliland, isla markaana hore Urur-siyaasadeed Gurmad la odhan jiray ka sameeyey Somaliland kaasoo u tartamay inuu ka mid noqdo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland sannadkii 2012-kii, hase-yeeshee aan ku guulaysan ee uu Ururkiisu ka mid noqday Ururradii ku dhacay qiimayntii iyo kala reebistii 15 Urur-siyaasadeed oo markaa jiray lagu kala reebay.

aftahanninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.