Xukuumadda Somaliland oo joojisay Ku-xisaabtanka Doollarka oo saamayn ku yeeshay Suuqyada dalka

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaas iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Ganacsatada kala duwan ee dalka, isla markaana waxay ka wadahadleen sicir-bararka ku yimi maalmihii ugu dambeeyey Sarrifka Doollarka Maraykanka, halka qiimaha Lacagta Somaliland hoos uga dhacay.

WASIIRKA MAALIYADDA, WASIIRU-DAWLAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay inay Hay’adaha dhinaca dhaqaalaha ee dawladda iyo Ganacsatada Shirkadaha waawayn ee dalka iyo Ganacsatada Lacagaha kala beddelaaba ay isku raaceen in Lacagta sida rasmiga ah dalka looga isticmaalayaa noqoto lacagta Somaliland, isla markaana wixii ka baxsan Shilinka dalku noqdo Lacag qalaad oo adag, sidoo kalena waxa wax lagu kala iibsanayaa aanu noqon lacag qalaad ee uu noqdo lacagta waddanka.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam iyo Masuuliyiinta Wasaaraddeedu waxay kulan laba-geesood ah la yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland, kuwaasoo ka wadahadlay shaqada dhinaca dhaqaalaha ama Dakhli-soo-saarka ee ay iska soo galaan labada Wasaaradood, sida Guryaha iyo Bakhaarrada ay dawladdu leedahay ee la kireeyo iyo weliba Liisammada Baabuurta oo ay Wasaaradda Hawlaha guud Maamusho, Dakhlina ka soo galo dawladda. 

Kulammadan ayaa qayb ka ah ololaha Cashuur-ururinta iyo kor u qaadista Dakhliga ka soo xerooda Cashuuraha Barriga oo ay toddobaadkii hore Wasiirka Maaliyadda Somaliland kaga dhawaaqday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo ay socdaal shaqo ku maraysay Hay’adaha Dakhli-soo-saarka ee gobolkaas.

Tan markii ay Wasiirku ololahaas shaacisay Caasimadda Hargeysa si weyn looga dareemay culays ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidammada Ammaanku xoogga saareen Ururinta Cashuurta, iyagoo la xaraynayey labadii maalmood ee u dambeeyey Baabuurta aanay ku dhejisnayn Warqadda Cashuurta lix biloodka hore ee sannadkan, iyo ku dhiirrinta qaadashada Warqadaha Cashuurta ee lix biloodka dambe ee sannadkan oo aan weli la gaadhin.

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.