Daawo Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Sweden

Stockholm(Aftahannews):- Duqa Caasimadda Hargeysa ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ay Xildhibaanno Golaha Deegaanka ka tirsani ka mid yihiin, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Stockholm ee waddanka Sweden.

Maayerka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa markii lagu soo dhaweeyey magaalada Stockholm, waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda oo uu ku tilmaamay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Hoose ee magaalada Stockholm ee waddanka Sweden oo uu xusay inay hore casuumado kala duwan isugu fidiyeen.

Duqa Caasimadda Hargeysa oo sharraxaya ujeeddada socdaalkooda Sweden iyo sida dalkaas loogu soo dhaweeyey-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.