Ardayda Dugsiga Hablaha Ee Al-irshaad Oo Deeq Gaadhsiiyey Xarunta SAHAN Ee Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Maamulka Xarunta SAHAN ee lagu dabiibo dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca ayaa shalay deeq kala duwan ka guddoomay ardayda Dugsiga Al-irshaad ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo halkaasi u tagey inay deeqdaasi gaadhsiiyaan isla-markaana soo arkaan habka loo xaneeyo dadka xanuunsanaya.

ARDAYDA AL-IRSHAAD OO SAHAN TABARRUCAAD GAARSIIYEY

Maamulaha Xarunta SAHAN ee galbeedka Magaalada Hargeysa, Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa Ardayda iyo Maamulka Dugsiyada Al-irshaad uga Mahad celiyey deeqdaasi oo uu sheegay inay nooc badan iskugu jirtay “Marka hore waxaynu u mahad celinaynaa ILAAHAY, marka labaad ardayda Dugsiga hoose/dhexe ee Al-irshaad, gaar ahaan hablaha, waayo alaabta ay noo keeneen hore la nooguma keenin, waxayna alaabtaasi ka kooban tahay shay kasta oo qof bani-aadam ahi u baahan yahay, hadday tahay wax la cabbayo, hadday tahay wax cunayo, wax la marsanayo, wax la huwanayo, kabo iyo dhar” ayuu yidhi, Bashiir Maxamed Jaamac, oo intaasi ku daray “Waxaan aad ula soo yaabay hablahaa ardayda oo da’doodu tahay 9 jir ilaa 14 jir, inay caqligooda ku garteen inay caawiyaan qof caawimadooda u baahan. Ardayda kale ee Iskuullada iyo jaamacadaha dalka waxaan aad ugu dhiiri-gelinayaa inay keenaan fikir noocan oo kale ah”

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN oo sii hadlayaa waxa uu u mahad-naqey maamulka Dugsiyada Al-irshaad oo uu ku amaanay sida ay ardaydooda ugu dhiirigeliyeen inay caawimaad u fidiyaan walaalahooda xanuunsanaya ee u baahan taageeradooda.

Ardayda ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay kormeer ku mareen meelaha lagu hayo dadka dhimirka ka xanuunsanaya, kuwo bogsaday oo la baray xirfado ay ku shaqeeyaan, kuwo kubadda cagta ku ciyaara gudaha xarunta lagu hayo ee Sahan, waxayna ardaydu aad uga tacajabeen dedaalka la galiyey dadka halkaasi lagu hayo “Booqashada aanu ku tagnay Xarunta Sahan waxa qayb weyn ka ahaa ardayda dugsiga hablaha ee Al-irshaad, oo tabarucaadka la soo gaadhsiiyey halkan soo ururiyey, kaasi oo nooc walba ku jiraan, sida caanaha, Saliidda Madaxa, Buskud, dhar, kabo iyo waxyaabo kale, annaga oo mustaqbalka rajeynayna inaanu wax ka weyn keenno” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah maamulka Dugsigaa oo u hadlay ardayda halkaasi booqday.

Sidoo kale, hablaha deeqda halkaasi geeyay ayaa waxay su’aalo la xidhiidha habka ay u shaqeyso xarunta Sahan ay waydiiyeen Maamulka xarunta, waxaana laga jaahil saarey sida loo maamulo, tirada dadka ku jira iyo horumarka ay ku socoto.

Warbixinta Warkan oo Muuqaal ah ka daawo Muuqaalkan hoose:

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.