Shir diciifinta Diimaha ku saabsan oo Soomaaliya & Puntland ka qeybgaleen & Somaliland oo ka baaqatay

Maxaa keenay in Somaliland oo hore uga qeybgashay Shirka Tana-Forum ee magaalada Bahar Dar, sannadkanna uga baaqatay?

Bahir Dar(Aftahannews):- Shirwaynahii afraad ee Ammaanka waddamadda Geeska Afrika oo halku-dhaggiisa sannadkani ahaa Cilmaaniyadda iyo Caqiidooyinka la siyaasadeeyey, ayaa maanta lagu soo gebogabaynayaa magaalada Bahar dare e dalka Itoobiya, kaasoo ay ka qaybgaleen Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, halka ay dawladda Somaliland ka baaqsatay ka qaybgalka Shirkaas lagu diciifinayo Mabaa’diida Diiniga ah.

SHIRKA CILMAANIYADDA EE ITOOBIYA LAGU QABTAY (2)

Shirweynahan oo Madaxweynayaasha waddamadda Geeska Afrika ka qeybgaleen, isla markaana ku jireen Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay sidii loo qaadan lahaa nidaamka Cilmaaniyadda, loona kala saari lahaa diinta iyo dawladnimada.

“Waan u baahan-nahay nidaamka Cilmaaniyadda Qaarada Afrika, waana inaan daafacnaa. Dhab ahaan, Diintu waa qeyb ka mid ah nolosheenna gaarka ah, laakiin, waa inaanay ku khaldamin arrimaha Xukuumadaha.” Sidaa waxa tidhi Michelle Ndiaye Ntab oo ah Haweenay Madax ka ah Ururka Tana Forum oo soo qabanqaabiyey hirgelinta Shirweynahan.

Ms. Ntab, ayaa sheegtay inay doorteen waddamada ay soo casuumeen, sidoo kalena sheegeen in waddankii doonaya ka soo qeybgeli karo maaddaama oo mawduucu muhiim yahay sida ay hadalka u dhigtay, waxaanay tidhi; “Waxaan aamminsannahay inay sannado qaadan doonto in hoggaamiyeyaasha ka soo qeybgala doodahan ku qancaan inay ku dabakhaan Siyaasadaha gudahooda.”

Somaliland oo hore uga qeybgashay kulammo sannadihii hore ka dhacay magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya oo Ururka Tana Forum soo qabanqaabiyey ayaan la ogeyn sababaha keenay ka qebgal la’aanteeda sannadkan, inaan lagu soo casuumin, maaddaama rabshado Diimeed aanay ka taagnayn iyo inay qaadacday ka qeybgalkeeda, maaddama oo hal-ku-dhegga sannadkani ahaa Cilmaaniyadda iyo Caqiidooyinka Diimaha ee la Siyaasadeeyey.

Hase-yeeshee, inkasta oo aannu Wargeyska Himilo ahaan isku deyey inaannu wax ka weydiiyno Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland, ayaanay haddana noo suurtogelin inaannu wax war ah ka helno dhinacooda, ka dib markii ay Taleefannadooda gacanta oo aannu ka wacnay qaban waayeen.

Xigasho Wargeyska Himilo.