Tirada dad Gobolka Gabiley ugu dhintay Cudurka Jadeecada, inta u jiifta iyo Baaqa Maamulka

Gabiley(Aftahannews):- Dhawr qof, ayaa Xanuunka Jadeecada ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley, dad badan oo kalena way u soo ddhaceen Xanuunkaas, sida ay caddeeyeen Maayerka iyo Badhasaabka gobolka Gabiley iyo sidoo kale Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolkaas, kuwaasoo gurmad u galay sidii Cusbitaalka magaaladaas loo soo gaadhsiin lahaa dadka uu xanuunku soo ritay.

Duqa degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa Warbaahinta uga warramay deegaannada uu Xanuunku ka dillaacay, tirada dadka u dhintay iyo sidoo kale tirada dadka uu soo ritay ee u jiifa xanuunkaas. Waxaanay baaq u direen Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ay ka dalbadeen inay gurmad deg-deg ah u fidiso dadka u dhimanaya iyo kuwa u jiifa Xanuunka Jadeecada ee ka dillaacay gobolkaas.

Haddaba, Hadallada Masuuliyiinta iyo Warbixina Warkan oo dhan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:- 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.