Nuxurka Heshiis 7 qodob ka kooban oo ay wada gaadheen dawladda Soomaaliya & Maamulka Puntland

Garoowe(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland, ayaa Axaddii maanta magaalada Garowe ee xarunta Maamulkaas ku kala saxeexday heshiis ka kooban toddobo qodob ka dib wadahadal labadii cisho ee u danbeysay uga socday magaaladaas.

???????????????????????

Ka sokow Madaxda kala metelayey dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, waxaa heshiiskan iyaguna goob-joog ahaa Wakiillo ka socday Beesha ee taageerta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo lagu shaaciyey kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Garoowe.

Afhayeenka xafiiska ra’iisul-wasaaraha Somalia, Ridwaan Xaaji Cabdi wali ayaa heshiiskan u aqriyay warbaahinta, isagoo ay labada dhinac ka taagnaayeen raysul wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Qodobbada Heshiiskan Garoowe lagu gaadhay, waxay u dhignaayeen sidatan:-

1. Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii hore loo galay.

Dowladda Federaalka iyo dawladda Puntland waxa ay isku afgarteen hirgalinta heshiiyadii hore ay labada dhinac  u wada gaadheen oo uu ugu danbeeyay heshiikii la wada galay 14-kii bishii octobar ee sannadkii hore, si arrintaas loo gaadho waxaa la magacaabay Guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya hirgalinta heshiisyadaas, waxaana la soo dhaweeyay wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

  1. Shuruucda ay dawladda Federaalka ah soo saarto iyo samaynta Guddiyada heer Qaran.

Waxaa la isku raacay in dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka lagala tashado Xeerarka uu ansixiyo Barlamaanka Soomaaliya iyo dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan sida uu qabo Dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya qodobkiisa 111-aad faqraddiisa labaad.

  1. Dhismaha dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhismaha dawladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya.

  1. U diyaar-garowga iyo qabashada Madasha Wada-tashiga Madaxda sare ee dawladda Soomaliya iyo dawladaha Xubnaha ka ah.

Sidii lagu heshiiyay shir-madaxeedkii ka dhacay magaalada Muqdisho lixdii bishii labaad ee sannadkan, waxaa lagu qaban doonaa kulanka Madasha Wada-tashiga Madaxda sare magaalada Garowe bishan April, waxaana la isla gartay in Guddiyadii farsamo ee hore la isugu waafaqay ay soo dhammaystiraan taaba-gelinta hawlaha Madasha heer  Qaran.

  1. Dhismaha Ciidan Qaran oo ummadda dhan u dhaxeeya.

Si loo dhiso Ciidan Qaran oo leh sumad Qaran, waxaa la isku afgartay in 300 oo Askari loo qoondeeyo Puntland.

  1. Dooorka Puntland iyo wadahadallada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Waxaa lasoo dhaweeyay sida dowladda Soomaaliya u maamulayso wada hadalka lagula jiro maamulka Somaliland iyo mowqifka ay dowladdu iska taagtay wada hadaladii ugu danbeeyay.

  1. Iskaashiga hay’adaha dowladda Federaalka ah iyo dawladda Puntland.

Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in ay si toos ah iskaashi iyo wada shaqayn buuxda uga yeeshaan dhinacyada dastuurka ,qaybsiga deeqaha caalamiga ah, waxbarashada, is-kaashiga qorshaha qaranka ,siyaasadda iyo isgaarsiinta qaranka.”

Markii heshiiskan lagu soo gebo-gabeeyey Shirka labada maalmood uga socday dawladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland, ayaa Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Weftiga uu hoggaaminayey-ba ka duuleen Garoowe, kuna laabteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka isla Axaddii maanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.