Xukuumadda oo aqbashay Go’aan lagu laalay Lacag Sharci-darro ah, Shuruudna ku xidhay Baabuur Dekedda ku xanniban

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa Axaddii maanta ka hadlay go’aankii Mudanayaasha Golaha Wakiilladu Sabtidii shalay ku laaleen Lacag Xukuumaddu, gaar ahaan Wasaaraddiisu ku soo rogtay Baabuurta ka soo dega Dekedd Berbera, taasoo ay cabasho ka muujiyeen Ganacsatada Gaadiidka soo dejisaa, isla markaana aanay Golayaasha Sharci-dejinta hore loo soo marin oo aanay sharciyeynin.

BAABUURTA KU XANNIBAN DEKEDDA BERBERA EE LA ROGAYO

Wasiir Khaliif oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa Axaddii maanta, waxa uu sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Wakiilladu codka aqlabiyadda ah ugu laalay lacagtaas oo uu xusay inay ugu talo-galeen mushqaayad yar oo lagu hubinayo tayada Baabuurta dalka imanaysa, hase-yeeshee, waxa uu ku dooday in Gaadiidka Dekedda Berbera soo gaadhay ee ka horreeyey Laalista Golaha Wakiillada laga doonayo lacagtaas, wixii ka dambeeyana aan laga qaadi doonin.

Balse, Gaadiidka uu Wasiirku ku dooday in lacagta laga qaadayo, ayaa ah Baabuur 31-kii Maalmood ee u dambeeyey isku gaadhay Dekedda Berbera, ka dib markii ay Ganacsatada Macdarlayaasha ee Baabuurta soo dejisaa diideen bixinta Lacagta Xukuumaddu ku soo rogtay ee aan sharciga ahayn, kuna jirin cashuurta dawladda ee ay tahay lacag shaqsiyaad gaar ah lagu naas-nuujinayo, isla markaana inta lacagtaasi meesha ka baxayso ama sharci noqonayso waxa ka horreeya aanay hal gaadhi kala soo bixi doonin Dekedda Berbera ee ay ku xannibnaan doonaan Gawaadhidoodu, iyagoo mararka qaarna ku hanjabay inay dib uga rarayaan Dekedda Berbera oo ay ka dejin doonaan Dekedda Boosaaso ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Shirka Jaraa’id ee uu Wasiirka Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland maanta ku qabtay Xafiiskiisa iyo waxyaabaha uu kaga hadlay-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.