Wefti Wasiirro, Xildhibanano iyo Agaasimayaal uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Wakiilladu oo dhoofay

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiillaahi (Cirro), kaasoo isugu jiray Mudanayaal ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyo Agaasimayaal guud oo Wasaaradaha ka tirsan, ayaa Axaddii maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia.

WEFTIGA GUDDOOMIYE CIRRO U HOGGAAMIYEY ADDIS ABABA ITOOBIYA WEEYE

Ujeeddada Socdaalka Weftigani u tegay dalka Itoobiya, ayaa la xidhiidha tabobbar ku saabsan hannaanka Maamulka iyo hoggaaminta, kaasoo ay ku qaadan doonaan muddo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro.

Guddoomiye Cirro oo intii aanu Wefti ka dhoofin garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa Saxaafadda kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka, isagoo faahfaahiyey ujeedka socdaalkooda ay Maanta ugu kicitimeen waddanka Itoobiya iyo waxa uu daarran yahay. Sidoo kale, waxa uu sheegay muddada ay ku sugan yihiin Addis Ababa inay kulammo kala duwan la yeelan doonaan Masuuliyiin dawladda Itoobiya ka tirsan iyo Wakiillada caalamka halkaas u jooga qaarkood.

Warbixinta Warkaas oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.