Daawo Sawirrada Bilicda leh ee Qaabkii Madaxweyne Siilaanyo loogu soo dhaweeyey Arabsiyo illaa Gabiley

Gabiley(Aftahannewws):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maanta booqday magaalada Gabiley ee xarunta gobolkaas, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Arbabsiyo iyo Gebilay ee gobolka Gabiley, ka dib markii uu subaxnimadii saaka ka baxay Hargeysa, waxaanu Madaxweynuhu furay Mashaariic horumarineed, isla markaana waxa uu Shahaadooyin guddoonsiiyey Arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Tima-cadde ee magaaladaas.

DHALINYARO

Haddaba, Waxaannu halkan hoose ee Aftahannews Pictures idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Sawirrada bilicda leh ee qaabkii loo soo dhaweeyey Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo iyo goobaha kala duwan ee uu hawsha uu u tegay ka fuliyey ee meelaha uu xadhigga ka jaray, goobaha uu dhagax-dhigay iyo Munaasibadda Qalin-jebinta ee Jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley. Daawasho Wacan, Si aad uga bogoto Sawir kasta oo aad rabto inaad eegto dhexdiisa kilig-garee si aad isoo wayn ama dhan u daawan karto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.