“Adaa I Qaba, Isagaa I Qaba, Iyadaa I Qabta!” Warbixin Xiiso badan: Weriye Xafsa Sh. Cabdillaahi

Burco(Aftahannews):- Hawenaydan ayaa waxa ay ku haysataa meel Suuq  ah oo ka mid ah Suuqyada gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Makhaayad laga Cunteeyo, inta badanna aad looga cuno Quraacda, Maalmaha qaarna lagaba qadeeyo.

FANY STORY

Hawenaydan ayaa waxaa ku weheliya Haweenay kale oo la shaqaysata, waxaanay u mamushaan sida ugu habboon ee wax loo wada-qabsado, mana jirto wax dhibato ah oo iyaga ka dhex tagan xilliyada ay shaqanayaan ama ay shaqada Makhaayadda ku jiraan.

Haweenaydan ayaa muran ka dhashaa Meheraddeeda xilliyada dadku ay wax ka iibsanayaan, waxaanay tidhaahdaa Ragga wax ka iibsada waxa iqaba isaga taasi oo dadka oo dhan ay isugu yimaaddaan, qofkuna uu ka murmo halka ay Ragga qaar ku dhawaqdo magaca ninka ka dibna ay tidhaa waxa iqaba hebel, sidaa awgeed waxa ka yaraatay macmishii soo gali jirtay Makhaayaddaas

Gabadhan ayaa Caado ka dhigatay inay Nin kasta oo Makhaayaddeeda wax ka iibsada kalmaddan ah; ‘Wuu I qabaa’, taasoo ujeeeddada ay ka leedahay keliya tahay Kaftan Balwad ka noqday, isla markaana dadka macmiisha u ah intooda badani la qabsadeen oo aanay dhibaato badan u arag.

Hase ahaatee, qofka ku cusub, ayaa weedhaasi aad u dhibtaa, kuwaasoo ay qaarkood gaadho heer ay ka dagaallamaan illaa la dhex-galo oo Ninkaas wax laga fahansiiyo in ujeeddaddo dheer aanay ka lahayn Haweenaydaasi ee ay caadaysatay ku kaftamidda hadalkaas.

Waxa Warbixintan kooban soo diyaarisay

Weriye Xafsa Sheekh Cabdillaahi

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Burco/Somaliland/Office.