Maanta Geesi Baa Baxay: Maanso Baroor-diiq ah

Maanta Geesi Baa Baxay: Maanso Baroor-diiq ah

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayihii guud ee hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ku geeriyooday xarunta dalka Kenya.

maxamed-rashiid

Waa xaq, waa qadar,waa lama baajiyaan iyoxuduud aan laga gudbi karinama laga tallaabsan Karin geeridu.
Alle ha u naxariistoMaxamed-rashiid oo ka baxay guud ahaan Bulshada reer Somalilanad gaar ahaan warbaahinta kala duwan ee Somaliland oo uu kaga jiray kaalin aan la ilaawi doonin isla markaana ay adagtahay sida loo buuxin doono.
Waxaa maansobaroor-diiq ah maqalka warka geerida naxdinta leh ee ka soo gaadhay guud ahaan dalka Somalilanddhanka Kenya maansoi Baroor-diiq ah ka tidhi Geerida Maxamed-rashiid Abwaan Nimco Aadan Hurre Maansadan oo la yidhaahdo

Maant Geesibaa Baxay waxay ku bilawday sian

Waxay tidhi.

Ifku geeddi weeyaan

Gabal-dhiciyo waaberi

Laga guurayaayoo

Adoomaha ku guud nool

Qofba galab ka hoydee

Allaylehe nin gob ah iyo

Halyay garasho dheer iyo

Muumin ruuxa gool-moon

U gargaari jirayoo

Ka weynaa gankiisiyo

Maanta Geesibaa baxay

Garabkayga taagnaa

Gacmo-madhan Alahayow

Adaan kuu goglanayaa

Naxariis gu weyn iyo

Raxmaddaada aan gudhin

Godolkeeda siiyoo

Qabrigiyo ku guulee

Godka aakhiruu tagay.

Nin Garaad wacnaayoo

Guddi jiray abaalkoo

Gali jiray markiisiyo

Hanad- lagu goblamay iyo

Maanta geesi baa baxay

Garabkayga taagnaa

Gacmo madhan Allahayow

Adaan kuu goglanayaa

Naxariis gu weyn iyo

Raxmaddaada aan gudhin

Godolkeeda siiyoo

Qabrigiyo ku guulee

Godka aakhiruu tagay.

Gurmad nin u ahaan jiray

Birma gaydadiisiyo

Mahuraanka gaabshoo

Qofka dhibi ay gaadhaba

U gargaari jiray iyo

Maanta geesi baa baxay

Garabkayga taagnaa.