Maxamed Rashiidna Ma Naga Tagey! Lix Haloo U Wada Gaar Ahaa Goconayaa Mooyi!

Inaalilaah Waa Inaa Ilayhi Raajucuun…..Waa Maalin aad aan Murugoonayo intaan Saxaafada kusoo jiray .rukunadii Saxaafada mid ka mid ah ah ayaa Dumay.Waxaa Naga baxay Halyeey.Geesi waanu Xusuusnaan doonaa intaanu Noolnahay.Saxaafada Madaxa Banaana Way Xusi doontaa Halgankiisii.Waanu Tabi doonaa.Ilaahay Naxariistii Janno haka Waraabiyo Walaalkay Suxufi Maxamed Rashiid.Ehelkii uu ka baxay iyo Bahda Saxaafadana samir iyo Iimaan ha naga siiyo

10676238_928596687158313_6868884155957580541_n
1. Wuxuu ahaa geesi an la gabban, cidnaba uga haybaysan wixii ugu muuqda xaq iyo xalaal.
2. Wuxuu ahaa nin leh mabda’ joogtaysan oo aragti ay hagayso. Mabda’iisu wuxuu ahaa xuma-diid, heer qaran, heer qaaradeed iyo heer caalami intaba.
3. waxa uu ahaa saxaafada xaalasha ee had goor ka door biday dantiisa gaar ahaaneed ta saxaafada
4.Bari ilaa galbeed waqooyi ilaa koonfuur wariyaha la dilo ama la xidho ama la cabudhiyo ka u hadala ama u taga meeshu ku xidhan yahay ayaan ku xasuusta

Geeridu xaq weeyoo ,godkuna lama huraan weeye
Gadhcadaaga odaygiyo usiman gaban carruureede
Guri waa kan aakhiro adduun galin badhkii weeye
Hayeeshee galabta taa dhacdaan laba gudboonayne
Maxamed Rashiid geerida ku timid way gilgilaysaaye
Goor aanan filanayn miyey geesi naga qaaday

Nin uu maydkuu gogoshiisa yaal gam´a loo diidye
Geesi iyo halyeybaa ka baxay geeska afrike
Godka lagu janneeyow
Geed damal hadhwayn buu ahaa geesigii baxaye
Durdur aan go´ayn buu ahaa geesigii baxaye
Gal xareedi jiiftuu ahaa geesigii baxaye
Tabihiisa gaarkaa markuu hawsha gudanaayo
Ma gabade halyey buu ahaa geesigii baxaye
Gurgurshuu ahaa aan didayn geesigii baxaye
Gabadano miskiin ay heshoo gaajo daran hayso
Nin gargaara oo gacan qabtoo gacalka taageera
Gacan furane deeqsuu ahaa geesigii baxaye
Abaal gaara buu nagu lahaa oo la goyn karine
Godka lagu janeegii hadday geeri naga qaaday
Garashaduu lahaabaan marnaba naga sal guureyn
Qalbigaanba laga goyn karayn Geesigii Baxay

Rabbi kuu gargaaryoo godkuna waasac kuu noqoy
Guuluhu caddaab kuma geshoo gees fog kaa mari
Malaa´igi garbahaa kaa martoo Kuu galbiye kheyr
Gurigii fardowsiyo kuma gam´a gogosha raaxeed
Alloow geesi adigoo kaliyo gaban nasii fiican .

Illaahoow Kuu Naxariiso>
Caddaabkii Kuma Taabtoo
Jannadii Ku Ciyaar
Maxamed Haldooroow.

MOHAMED BASHIIR NUUR GIRIIG

Nuur_Giriig1@hotmail.com

Hargaisa Somaliland