Daawo Munaasibad lagu taageeray Musharraxnimada Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Cumar

Burco(Aftahannews):- Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Huteel Deero ee magaalada Burco Axadda Maanta, ayaa si rasmi ah shaaca loogaga qaaday Musharraxnimada Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Cumar oo u sharraxan Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland ah doorashada la filayo inay dalka ka qabsoonto 2015-ka haddii Illaahay yidhaahdo.

MAXAMED SALEEBAAN CUMAR (MADAXWEYNE)

Munaasibaddan, ayaa taageero xooggan loogu muujiyey Musharraxa Maxamed Saleebaan Cumar oo si diirran loo soo dhaweeyey shaacinta Musharraxnimadiisa, isla markaana dadka Xafladda ka soo qaybgalay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Musharraxnimada Maxamed Saleebaan oo ay xuseen inuu yahay Aqoonyahan u qalma Booska uu isu sharraxay iyo mid ka sarreeya-ba, taageero hiil iyo hoo ahna ay la garab-taagan yihiin marka la gaadho wakhtiga doorashada, iyagoo guul iyo inuu soo baxo u rejeeyey.

Maxamed Saleebaan Cumar oo isaguna Munaasibaddaas lagu taageeray khudbad qiimo badan ka jeediyey, ayaa sheegay in meel lagu gaadhi karo isku-duubnimada, midnimada iyo wax isla-qabashada, isla markaana cidda uu wax ku yahay yihiin dadka taageerada isla garabtaagay, la’aantoodna aanu waxba noqon karin. Waxaanu Maxamed ka mahad-celiyey sida ay Beesha uu ka tirsan yahay ugu soo xushay inuu noqdo Musharrax u tartama Xildhibaan Golaha Wakiillada ah marka wakhtiga doorashada la gaadho.

Haddaba, Munaasibaddaas lagu taageeray Musharraxnimada Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Cumar oo sidoo kale ka mid ah Bahda Warbaahinta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa sidii ay Munaasibaddaasi u dhacday Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.