Wasiir Samaale oo Golaha Wakiillada u sharraxay Oddoroska Shaxda Miisaaniyadda dawladda ee 2015

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha, Agaasimaha guud ee  iyo Madaxda kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, ayaa Axadda Maanta hortegay Mudanayaasha Golaha Wakiillada, isla markaana waxay Warbixin ka siiyeen hawlaha Oddoroska Shaxda Miisaaniyad-sannadkeedka dawladda ee 2015-ka oo uu hore Wasiir Samaale ugu gudbiyey Golaha Wakiillada.

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND CABDICASIIS MAXAMED SAMAALE

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Warbixin dheer oo uu ka hor-akhriyey Xildhibaannada Aqalka Wakiiillada Somaliland fadhigoodii maanta, waxa uu aad ugu faahfaahiyey Oddoroska Miisaaniyadda, meelaha dakhliga laga filayo, waxyaabaha kharashaadka loogu talo-galay, mashaariicda horumarineed ee qorshaha Miisaaniyadda ku jira, Kharashaadka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee sannadka soo socda inta Xukuumadda kaga aaddan oo Miisaaniyadda 2015-ka ka muuqata iyo guud ahaanba sida loo qaabeeyey Oddoros-miisaaniyadeedka 2015-ka.

Qoraalka Khudbadda uu Wasiir Samaale u jeediyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo Nuqul ka mid ah uu Aftahannews helay, ayaa u dhignaa sidan:- “REPUBLIC OF                                                 SOMALILAND

 MINISTRY OF FINANCE

Date 30-11-2014

Ujeedo : Khudbada Wasiirka  ee Miisaaniyadda 2015 ee Golaha Wakiilada:-

1.1.Hordhac:

Waxa  ii sharaf ah in Maanta oo taariikhdu tahay 30/11/2014 aan golaha hor imaado si aan uga jeediyo khudbadii miisaaniyada 2015 iyada oo golaha xukuumad

 

u usoo  gudbiyey golaha wakiilada 11/09/2014, isla markaana ay   sharci  tahay in goluhu uu mudnaanta koowaad siiyo gudagalka  dooda miisaaniyada isla waqtigab loo soo gudbiyaba  waxaana ay ahayd in aanu golaha hornimaadno 13/9/2014 sida kucad Buugaagta miisaaniyada ee aanu idiin soo gudbinay sidoo kale waxa ii sharafa in wasaarada maaliyadu ay sanadihii ugu danbeeyay ku horkeenaytay golaha wakiilada miisaaniyada qaranka waqtigii loogu tala galay taas oo aan hore u dhici jirin,  tusaale ahaan waxaanu miisaaniyadii 2013 Golaha usoo gudbinay 26/12/2012 taas oo golaha wakiiladuna ansixiyeen 31/12/2012,sidoo kale miisaaniyadii 2014 waxaanu golaha usoo gudbinay 29/09/2013halka golaha wakiiladuna ansixiyeen 24/11/2013. miisaaniyada 2015 waxay ka koobantahay sidan:-

Faah faahinta Miisaniyadda 2015

S/NO Hayada SLSH Dollar
1. Dawladda Dhexe 1,080,000,000,000 $180,000,000
2. Hayadaha Madaxa Banaan 176,846,392,352 $29,474,399
3. Dawladdaha Hoose 164,877,744,867 $27,479,624
4. Dakhliga Deeqaha caalamiga ah(Denmark& Britain) 85,800,000,000 $14,300,000
  Isugeyn 1,507,524,137,219 $251,254,023

 

1.2.Korodhka Misaaniyadda

Waxa jirta in sadexdii sano ee u dambeeyay ay miisaaniyadu si xawliya kor ugu kacaysay iyadoo weliba sanad kasta uu soo baxayey dakhli dheeraad ahi kaas oo ka muuqda miisaaniyadaha aanu idiin soo gudbinay ee 2014 iyo 2015, waxaana halkan hoose ku cad jaantuska muujinaya sida ay u kordhayso miisaaniyadu kaas oo korodhsiimada miisaaniyada sanadka 2015 iyo sanadka 2010 uu yahay 283%. Sidoo kale waxaa misaaniyada 2015 dheertahay misaaniyadda 2014 qadar dhan 18%

Kor u kaca Miisaniyada 2010 ilaa 2015

 

Misaaniyada 2010-2015
Sanadka Misaaniyada
2010         $    47,000,000
2011        $    88,322,554
2012         $   106,561,540
2013       $   125,000,000
2014             $  152,000,000
2015            $     180,000,000

 

 Faahfaahinta Kor u  kaca Miisaaniyadda meelaha muhiimka ah

S/No Magac 2010 sh sl 2015 sh sl Farqi %
1 Mushaharka Madaxwaynaha 2,600,000,000 819,800,000 -1,780,200,000 -68
2 Golaha Wakiilada 6,555,058,600 18,727,824,320 12,172,765,720 186
3 Golaha Guurtida 6,088,620,400 20,199,178,720 14,110,558,320 232
4 Nabadgalyada 157,113,836,969 439,663,884,011 282,550,047,042 180
5 Waxabarashada 14,633,732,140 72,602,190,058 57,968,457,918 396
6 Caafimaadka 8,783,810,960 35,700,043,934 26,916,232,974 306
7 Jaamacadaha 1,050,000,000 2,600,000,000 1,550,000,000 148
8 Mujaahidiinta Sooyaal 250,400,000 1,595,550,000 1,345,150,000 537
9 Mujaahidiinta Dhimirka 360,000,000 2,447,000,000 2,087,000,000 580
10 Xisbiyada 360,000,000 2,592,000,000 2,232,000,000 620
11 Wasaarada Arimaha Bulshada 651,231,992 4,103,474,978 3,452,242,986 530
12 Daryeelka Dugsiyada 37,240,000 2,420,000,000 2,382,760,000 6398
13 Agoomaha/Iskulada 260,000,000 3,470,000,000 3,210,000,000 1235
14 Daryeelka Ceelasha 460,000,000 1,032,000,000 572,000,000 124

1.3.Faah Faahinta Shaqaalaha Dawladda:

Waxa jirta in waqtigii talada xukuumadu lawareegtay ay culayska saartay sidii shaqo la;aanta loola dagaalami lahaa isla markaana loo hawl gelin lahaa dhiiga cusub ee jaamacada kasoo baxaya taas la shaqaaleeyay tiro dhan 7,585 qof kuwaas oo u badan dhalinyaradaas.waxa kale oo dhinaca  shaqaalaha xooga la saaray wasaarada waxbarshada iyo wasaarada caafimaadka kuwaas oo adeega ugu badan u gudbiya dadweynaha waana sidan  tafaasiisha shaqaaluhu:-

Magaca Tirada Shaqaalaha 2010 Tirada Shaqaalaha 2015 Farqiga
Dhamaan Shaqaalaha Dawlada 8,515 16,089 7,585
Wasaarada waxbarashada 2579 6,378 3,799
Wasaarada caafimaadka 1,439 2,588 1,149

1.4.Waxqabadka Dawlada ee Aug 2010-2014:-

Kordhinta Mushahaarooyinkii shaqaalaha iyo Ciidamada 120%

Bixinta derejeda ciidamada

waxa Lacag la,aan  laga dhigay iskuulada hoose  dhexe ee dawladda laga qaadijiray

Iibinta idaacadii Qaranka

Bedelka lacagtii giinbaarta ahayd ee Gobolka Togdheer iyo Sanaag.

Samaynta E.Passport ka Somaliland

Hirgelinta Mashaariicda Xoolaha, Beeraha  iyo Kalluumaysiga.

Iibinta Qalabka Cusbitaalka Hargeysa (Mishiinka kelyaha ,iyo keenida dhakhaatiir ajaaniba)

Bixinta dayntii dawladii hore ka tagtay oo dhamayd 21 Milyanoo Dollar.

Dhamaystirka Biriijka Labaad ee Hargeysa

Dhisida Wadada Dila ilaa Boorame

Dhisida Wadada Wajaale ilaa kalabeydh

Bilaabida wadada ceerigaabo ilaa Burco

Dhismaha wadada Hargeysa ilaa xamaas

Iskaashiga Dhismayaasha wadooyinka ee Dawlada iyo dadweynaha sida(wadada dawga cad,wadada cad ee salaxley,wadada oodweyne,wadada baligubadle iyo wadada allaybaday)

Dhisida wadada Jidka  Halleeya ilaa jigjigayar

Dhisida Madaarka Hargeisa ( Egal airport)

Dhisida Madaarka  Berbera

Dhisida Madaarka Burco

DHismaha Wasaaradaha sida (Madaxtooyada, W.duulista Hawada,W. Xanaanada xoolaha,W. Dhalinta iyo Ciyaaraha, W. Horumarinta Reer Miyiga iyo deegaanka,W. Kaluumaysiga, W. Boosaha iyo is gadhsiinta, wasaarada Gaashaandhiga,wasaarada arrimaha Dibeda,wasaarada Arrimaha Gudaha,wasaarada cadaalada, Hanti dhawrka guud ee qarank.

Guryaha Martida ee magaalooyinka Burco,Baligubadle,Boorame,gebilay

Xafiisyada wasaarada maaliyada sida (xafiiska Xisaabaadka Guud, waaxda kastamada,waaxda cashuuraha Beriga,4 xafiis oo cashuuraha Beriga hargeysa ah,xafiiska xisaabaadka iyo cashuuraha Gebilay,xafiiska kastamka kalabeydh,kastamka Boorama, kastamka seylac, Kastmaka ceelgaal,kastamka Baligubadle,kastamka Beer, xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka ceerigaabo iyo xafiiska cashuuraha iyo xisaabaadka Berbera).

Dhismaha xafiisyada wasaardaha ee Gobolada sida, Xafiisyadda wasaarda qorsheynta qaranka ee ceerigaabo,Burco,Berbera,xafiisyada wasaarada arrimaha bulshada ee Gebilay iyo Baligubadle W.Maaliyadda iyo W.Caafimaadka).

Dhismaha Jaamacadda Badhan, Ceerigaabo,hargeysa,boorame iyo burco

DHismaha laybareriyada jaamacada hargeysa,laybareeriga qaranka iyo Jaamacada Caamud.

Bixinta Kaalmooyinka Jaamacadaha, Iskuulada special needs ka, Cusbitaalada dhimirka,iskuulada Agoomaha  IWM.

Jaangoynta Mushahaarooyinka Madaxweynaha,ku xigeenka  iyo goleyaasha xeer dejinta.

Kordhinta Miisaaniyadda Hay’adaha adeega Bixiya sida: Waxbarashada, Caafimaadka iyo hay’adaha Nabadgelyadda.

Qalabaynta ciidamada gaar ahaan milateriga iyo ciidanka Bada.

Kordhka Miisaaniyada Dawlada dhexe intii u dhaxaysay 2010 ilaa2014 waa $47 Million ilaa $152 Million,iyadoo korodhku yahay 223%.

Kordhinta Miisaaniyadaha hayadaha Madaxa Banaan 150%.

Xaraynta Dakhligii khasnada Dawladda la baalmarin jiray sida: Maxjarka,Dekedda iyo Haamaha Berbera

Gudbinta xisaabxidhadii miisaaniyadaha 2010 ilaa 2013 oo aan iyaga hore loo gudbin jirin.

Hirgelinta Cashuurta  Aan hore ujirin sida ku dhejinta Tigidhada oo markii ugu horaysay laga hirgeliyay dhamaan Gobolada dalka 12 April 2012 Guddi u gaara dhaqan gelinteedana aanu u xilsaaray ilaa intay sidii loogu talay u fulayso

Hirgelinta cashuurta Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Dhexe oo 1% ah

Hirgelinta Cashuurta  E-passportka .

Korodhsiimada Gunnada Agaasimayaasha guud SL SH 6000,000, iyo  Agaasime waaxeed yada 1,500,000, Garsooryaasha iyo xeer ilaaliyayaasha 120%.

Dhimista Cashuuraadka iyo Habayntooda.

 

1.5.Qorshaha Waxqabad  ee Miisaaniyadda 2015 :-

Kharashka Doorashooyinka Golaha Wakiiladda ,Madaxtooyadda, iyo kharashka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo loogu tala galay $ 6,000,000

Qalabka iyo Saanadda ciidamada dalka ee kala duwan.

Mashruuca Dib u dhiska wadooyinka

Mashruuca Xannaanada Xoolaha

Dhismaha Maktabada Berbera  oo loogu talagalay $ 80,000

Dhismayaasha xafiisyadda dawladda sida:- Wasaaradda Biyaha,  Hadhaaga Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Dhismaha xafiiska Hayada Shaqaalaha Dawlada,

Dayrka Hanti dhawraha guud ee Qaranka ,xafiisyadda Wasaaradda Maaliyada Boorama iyo Burco, Dhismayaasha iyo dib u dhiska maxkamadda gobolka iyo degmada Maroodijeex,Hoolka Wasaaradda Cadaaladda, dhismaha ciidanka Dab damiska, Hoolka iyo deyrka Wasaaradda Arrimaha Dibeda

Hadhaaga Iibsiga rooga Garoonka kubada cagta Hargeysa

Iibsiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyadda Wasaaraddaha iyo Ha’ayadaha .

Ka qayb qaadashada Dhismaha madaarka Burco.

Kabka shidaalka wershedda laydhka Berbera.

Iibinta Cagaf weyn “Bulldozer” oo loo iibinayo Wasaaradda Beeraha si loogu sameeyo Gabyanadda.

Kaalmadda Dhimirka mujaahidiinta SNM.

Kaalmooyinka Agoomaha oo loo kordhiyey 100%.

Kaalmooyinka Asxaabta Qaranka oo loo kordhiyey 50%

Bilawga Dhismaha jeelka Burco.

Daryeelka iyo Dibudhiska iskuulada dalka

Dhismaha 5 MCH oo laga dhisayo Gobolada dalka

Dhismaha qaybta dadka caafimaadkoodu halista ku jiro ee ICU iyo qolka Gargaarka degdega ah ee cisbitaalka Hargeysa

Iibinta Dawada Mishiinka Kelyaha sifeeya iyo qalabeynta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $1,850,667 sanadihii hore ee 2012 ilaa 2015.

Kharashka mushaharka dhakhaatiirta cusbitaalka hargeysa waxaana ku baxay lacag dhan $2,158,500 sanadihii 2012 Ilaa 2015 soo socda.

kharashka bannaynta agagaarka madaarka Egal international Airport

Dhismaha guriga Martida ee Magaaladda Baligubadle.

Dhismayaasha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee magaalooyinka laascaanood iyo Boorama

Qalabeynta xafiisyada Maxkamadaha Gobolka iyo Degmada Maroodi-jeex.

1.6.Cashuuraha Hoos Loo dhigay Sanadkii 2011-2014

Tirsi Nooca Cashuurta Cashuurtii hore Cashuurta Danbe
1 Cashuurta Macaashal macaashka Ganacsiga 24% 10%
2 Cashuurta Macaashal Macaashka shaqaalaha 12% 6%
3 Cashuurta Macaashal macaashka kirada Guryaha 18% 10%
4 Cashuurta kala wareejinta Guryaha 6% 2%
5 Cashuurta kala wareejinta Baabuurta 6% $105 and $55
6 Cashuurta Gadista 5% 5%
7 Cashuurta Diiwaangelinta shirkadaha 1% Nil%
8 Cashuurta dhaxalka dadka isdhalay,isla dhashay iyo kuwa isku dhaxay 3% 1%
9 Cashuurta dhaxalka ilaa afar oday 5% 3%
10 Cashuurta dhaxalka wixii ka badan afar oday 10% 5%

 

1.7.Cashuuraha la dhaafay iyo kuwa la dhimay sanadka 2014

Waxa cashuur dhaaf soo dejinta ah  golaha wakiiladu usameeyeen sanadkii 2014 qodobada hoos ku qoran taas oo wasaarada maaliyadu soo jeedisay

1.Dhamaan qalabka Beeraha, Biyaha sida riigaga ,wadooyinka sida cagafyada ,kalluunka sida laashashka, shabaakta, gaasta cuntada lagu karsado.

2.waxa la tirtiray cashuurtii kala wareejinta gaadiidka taas oo laga dhigay qiimo go,an oo ah gaadiidka waaweyn $105gaadiiidka yaryara $55.

 

1.8.Soo jeedinta Cashuuraha la dhaafayo  sanadka 2015

Sida uu tilmaamayo qodobka 54aad ee dastuurka Jsl takaaliifta waxa ogolaada qaadistooda ama tirtira oo awood u leh Golaha wakiilada hase yeeshee wasaarada maaliyadu waxay leedahay soo jeedin keliya,mana jirto cashuur aan golaha wakiiladu ogolaan oo wasaarada maaliyadu uruurisaa sidaas anagoo ka duulayna qodobkaas dastuuriga ah waxa aanu golaha wakiilada horyeel in cashuurta laga dhaafo qodobada hoos  ku qoran, taas oo aanu ka rajeynayno in goluhu naga ogolaado isla markaana aanu u sameyn doonon xeer nidaamiye marka goluhu ansixiyo, waxaana kamida kuwa hoos ku qoran:-

Dhamaan qalabka Beeraha iyo dawada lagu xanaaneeyo Beeraha ee Bacriminta  (Fertalizer)

Dhamaan cagafyada lagu dhiso wadooyinka nooc kasta oo ay yihiin oo laga dhaafo cashuurta soo dejinta kastamada.

Dhamaan Gaadiidka Ambalance yada caafimaadaka iyo dabdamisyada

Qalabka wax lagu karsado sida Shooladaha naqaska iyo shooladaha dubaalada.

Qalabka tamarta laga dhaliyo ee Cadceeda iyo dabaysha.

1.9.Hirgalinta Go’aamadii Golaha Wakiiladda ee 2014

Waxa jirta in go’aankii Golaha wakiiladu ku ansixiyeen miisaniyadii 2014 ay soo raaciyeen go’aamo taas oo wasaarada maaliyadu fulisay  dhamaan go’aanadii golaha Wakiiladu ay soo raaciyeen Miisaaniyaddii 2014 oo ah in hay’adaha ku jira Miisaaniyadda 2014 ee aan xeerarkii lagu aas aasay lagu  hor keenin  mudadii 90 cisho ahayd  aanu ka saarnay Miisaaniyadda  2015 nuqulkay ku lahaan jireen anagoo hoos geynay Miisaaniyadoodiina ku darnay Wasaaradihii Madaxweynuhu hoos geeyey kuwaas oo kala ah sidan:-

Tirsi Hayadda Wasaaradda la hoos  geeyay
1 TV-ga Qaranka Wasaaradda Warfaafinta
2 ICT-Commission Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiina
3 Hayada Xidhiidhka Raashinka Qaranka Wasaaradda Dib u dejinta
4 Gudiga Baadhista Xasuuqa Wasaaradda Cadaalada
5 Hayadda Qurba jooga Wasaaradda Arimaha Dibada

 

2.Hirgelinta Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda(PFM Reform)

Waxanu ku guulaysanay inaanu meel marino dib u habaynta Maamulka Maaliyadda oo ka kooban 5 tiir iyo 14 qaybood . Waxa noo suurto gashay in naloo maalgeliyo tiirka labaad ee PFM strategy ga ee  dakhliga(Domestic resource Mobilization)  sida Kastamada, Cashuuraha Berriga iyo Waaxda Qorsheynta, taas oo  ay naga caawin doonto Hay’adda DFID ee Dalka ingiriiska u qaabilsan deeq bixinta Meelaha xooga la saarayona waxa kamida; dib uhabaynta Cashuraha,Hirgelinta Cashuuraha & Dakhli ururinta, Tayaynta Waaxaha ay khusayso Dakhli ururintu iyo Dhisida hayad Dakhli ururineed oo madax banaan(Somaliland revenue authority) ,waxaanay  ku bixisay hawshaas qandaraas qiimihiisu dhan yahay $7.2 Million, kaas oo socon doona mudo 3 sano ah.

Hawshaasi waxay bilaabmaysaa bisha janaury 2015 taasina waxay keeni doontaa in Dakhligeenu uu ka noqdo GDP (wax soo saarka dalka) ga qaranka ugu yaraan 25%, halka uu imika ka yahay 10%. Waxa kale oo jirta in EU, Baanka aduunka iyo deeq bixiyayaal kale iyana hada ay wadaan qorshihii dib u habaynta Maaliyadda ee la xidhiidhay 4 ta tiir ee kale oo kala ah Dhaqaaaha guud (Macro Economics), Hirgelinta Miisaaniyadda (Budget execution) , Iibsiga (Procurement) iyo Ilaalinta hantida (oversight),taas wax lagaga qabandoono dhinacyada  Qorsheynta, maamulka,Miisaaniyadda, Xisaabaadka, Hanti dhawrka, Baanka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee PFMka sida Gudida dhaqaalaha Golaha wakiilada  iyo Gudida ilaalinta hantida ee golaha wakiilada, waxaana hada naloo soo gudbiyey qaybtii hore oo kharashkoodu Noqondoono 4.5 million dollar.

Waxa kale oo aanu gacanta  ku haynaa oo  bilaabmi doona  bisha January 2015 Nidaam Xisaabeed casri ah (Somaliland Financial Management Information  System) oo Somaliland yeelato, noqona doona Mid  Hay’adaha Dawlada oo dhami (Dawlada dhexe, Dawladaha Hoose & Hay’adaha Madaxabanaan) ay kuwada shaqayn doonaan waxa kale oo jira in sanadka 2016 uu qalabkani inoo ogolaan doono in miisaaniyada qaranku noqon doonto mid Goblaysan oo sidoo kale deegaamaysan taas oo in badan Golaha wakiiladu soo jeediyeen in qaabka miisaaniyada la deegaameeyo.

Waxaanu u gudbinay Madaxweynaha wax kabedelkii shuruucda Maaliyadda ee la xidhiidhay PFM ka  taas oo loo soo gudbin doono Golaha Wakiiladda si dhakhso ah isla markaan aanu idinka rajaynayno inaad hore u ansixisaan Markay idin soo gaadhaan madaama waxbadani ku xidhan yihiin.

Gebegebadii Mudanayaal/mudaneyaal, iyadoo ay ka jirto Dunida dhaqaale xumo  iyo dhibatooyin farabadan oo ka haysta xaga horumarka oo saameeyey dhammaan Dawladihii Horumaray ee aduunka  iyo kuwa dunida saddexaad oo  hoos u dhac dhaqaale iyo sicir barar balaadhan saameeyey, dalkeenuna la qabo aduunka. Hadana waxa Ilaahay mahadiis ah in Miisaaniyadda Dawladda Dhexe 2015 ka ay ka badantahay  18% miisaaniyadii hore ee 2014, sidoo kale hadii la barbar dhigo Miisaaniyadii 2010 oo ahayd wakhtigii  xilka dawladani la wareegtay waxay miisaaniyadani dheertahay 283%.

Mudanayaal, aniga oo aan waxba kala hadhayn dadaalka lagu hirglinayo Odoroska Miisaaniyadda sannadkan, waxan ku kalsoonahay inaanu ka  midho dhalin doono idinkuna aad gacan buuxda naga siin doontaan wixii aanu idiinka baahano Insha Allah.

Sidaas awgeed; waxaan si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanayaa ansixinta Miisaaniyada idin hor taala ee sanadkan 2015 ka, lifaaqa wax ka bedalka Tacriifada iyo siyaasada miisaaniyada 2015 ee ku lifaaqan idinkoo waajibaadkiina Distooriga ah gudanaya.” Waxaa Qoraalkan ku saxeexnaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.