Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay Gacan-ku-dhiigle ay soo qabteen & tirada Tahriibayaal la hayo

Hargeysa(Aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa Sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gacan-ku-dhiigle Muuse Cabdi Cabdulle oo qof ku dilay Xaafadda Macallin Haaruun ee Caasimadda Hargaysa, waxaanu sheegay in sharciga la horgeyn doono, isla markaana waxa uu ku dooday inay hawl-gallo Ciidanka Boolisku sameeyeen lagu soo qab-qabtay Dhalinyaro rabshad-wadeyaal ah oo habeenkii Koox Koox u dagaallama.

“Waa jirey in ninkaas (Xijaabka iyo Niqaamka xidhan) Ciidanka Boolisku shalay qabteen ..” Taliye Fadal

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu sidaa ku sheegay wareysi uu caawa siiyay Shabakada Wararka ee Hayaannews.net. Waxaanu Taliye Fadal oo ka hadlaya qaabkii ay u soo qabteen ninkaas dilka ku eedaysnaa, waxa uu yidhi; “27 Novermber 2014, abbaaro 10:00 subaxnimo ayaa gacan-ku-dhiigle Muuse Cabdi Cabdule waxa Xaafadda Axmed Macallin Haaruun ku dilay Marxuum la odhan jirey Axmed Xuseen Ibraahim, ka dib uu baxsaday gacan ku dhiigluhu, Ciidanka Booliska Somaliland oo kaashanaya beeshii uu ka soo jeeday gacan-ku-dhiigluhu hawlgal ballaadhan oo ay Ciidanka Boolisku sameeyeen waxay gacanta ku soo dhigeen maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay (ahayd) 29 Novermber 2014 gacan-ku-dhiiglihii Muuse Cabdi Cabdulle.”

“Aniga oo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ah waxaan uga mahad-celinayaa beesha uu ka soo joodo gacan-ku-dhiigluhu oo si hagar la’aana ula hawlgashay Ciidanka Booliska, waxaana maanta (Shalay) lagu qabtay aga-gaarka Saba-wanaag meel u dhaw Ina Hindise iyo Shaarub. Waxaannu ku xidhan yahay mid ka midda Xabsiyada magaalada Hargeysa, waxaana si degdega loo horgeyn doona sharciga Maxkamaddaha iyo Xeer-ilaalinta.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliye Fadal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Ciidanka Boolisku waxay beryan ku jireen hawlgal ballaadhan, cidkasta oo nabadgelyada Qaranka iyo Bulshada reer Somaliland u geysanaysa dhibaato, kuwaasoo ah kooxo dhalinyaro ah oo koox koox u dagaallama, oo dhaqan aan hore loo arag isticmaala, oo inan koox kubadeed ku jira ayaa marka uu ka baxo kooxdii reerkoodii oo aan waxba galabsan la weerarayaa, hawlgalkaa tiro aad u baddan ayaanu ku qabqabanay, wixii falkaasi ku cadaaday sharciga ayaa la horgeeyey. Sidoo kale waxay ciidanka boolisku dagaal adag la galeen mukhaadaraadka, waxaanay xalay oo ugu danbeysay qabteen Baabuur iyo Khamri.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal mar uu ka hadlayay qaabka ay u waajaheen tahriibta iyo tirada dadka ay toddobaadkii u danbeeyey u soo xidheen waxa uu yidhi; “Ciidanka Boolisku waxay hawlgal adag ka galeen tahriibta wiigan oo kaliya ilaa 300 oo Ethiopian ah oo maanta kuwii ugu danbeeyey aanu qabanay, ayaanu dib ugu celinay dhinaca dalka Ethiopia, oo u baddan qoomiyada la yidhaahdo Oromada.”

“Waxa kale oo ay ciidanka booliska Somaliland ku guuleysteen dhalinyaro fara baddan oo Somalilander ah oo laga soo qabtay xad-xadka ama goobo kala duwan, kuwaas oo dhamaantood lagu wareejiyay waalidkood. Waxa kale oo ay ciidanku hayaan niman baddan oo dadka tahriibiya, iyada oo horena tiro baddan sharciga loo horgeeyey.” Sidaa ayuu yidih Taliyuhu.

Taliye Fadal mar uu la hadlayay Gaadiidlayda isaga dhexgoosha Caasimadda Somaliland, gaar ahaan Gadiidka lagu qaado Ardeyda aadka u yaryar waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aan halkan fariin uga dirayaa Gadiidlayda ama wadayaasha Baabuurta waxay Ciidanka boolisku uga digayaan, wadayaasha Baabuurta Basaska ama kuwa kale ee qaada Caruurta ee Iskuulada iyo Madarisadaha kala duwan tagta inaanay si xawliya u wadi karin Gadiidka ay ku sidaan ubadka yaryar gaadhiga lagu qabto isaga oo si xawliya u socda waddooyinka oo caruur sida in talaabo laga qaadi doono iyo baabuur kasta oo xawli dheeraad ah ku socda.”

“Gadiidkan oo sababa shilal dhaawac iyo dhimashaba keena. Sidoo kale waxaan u digayaa wadayaasha baabuurta dhiga meelaha aan Baarkinka (Parking) ahayn inay dhigaan baabuurtooda meelaha loogu tallogalay. Waxa Kale oo u sheegayaa Babauurta Basaska oo waxaad arkaysa Baskii oo waddadii socda oo isaga oon waddadii ka bixin waddada badhtamaheedii joojinayaa, taas oo ay ka iman karto khatar nabadgelyo oo naf iyo wax walba leh, waxaan uga digayaa Basasleyda marka ay dadka gurayaan inay gees wadadda uga baxaan oo ay baarkin (Parking) galaan.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Soamaliland.