Badhasaabka Gabiley oo ka warramay Shuruud WFB ku xidhay Iibsashada Raashinka Beeralayda Somaliland

WFB oo Shuruud ku xidhay qorshe ay Xukuumaddu ugu bandhigtay iibsiga Raashinka ay Beeralayda Somaliland soo saaraan. “Waxaannu isla qaadannay WFB in Guddi wada-jir ah la magacaabo oo qiimaysa buuxinta Shuruudahaas iyo in la helo…Waxay arrintani dhiirrigelin u tahay Beeraladayda Somalililand inay kordhiyaan…” Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe-Shiine: Waraysi Gaar Ah

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine)

Gabiley(Aftahannews):- Hay’adda Cuntada Adduunka u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee WFB iyo dawladda Somaliland, ayaa ka wadahadlay arrimo la xidhiidha sidii ay Hay’addaasi cuntada caawimada ah ee ay dalka keento uga iibsan lahayd Beeralayda reer Somaliland, waxaanay Hay’addu ku xidhay hirgelinta arrintaas fulinta iyo hirgelinta dhawr qodob oo sal u noqon kara in qorshahaasi guulaysan karo.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Sheene) iyo Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhinta Raashinka Caawimada ah ee WFB u qaabbilsan Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, ayaa Khamiistii kulan arrimahaas lagaga wadahadlay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley kula yeeshay Madaxa Xafiiska Hay’adda WFP ee Somaliland Mr. Achille Aka.

Haddaba, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo Wargeyska Himilo ka tirsani, ahna Tifaftiraha Aftahannews, Khadka Taleefanka xalay wax kaga weydiiyey qodobbada ay ka wadahadleen Masuulka Somaliland u fadhiya Hay’adda WFB, ayaa sheegay inay isla-qaateen WFB inay Raashinka Beeralayda dalku soo saaraan ay ka iibsato halkii ay Caawimooyinka ay keento ka soo dhoofin jirtay dalka dibeddiisa, balse ay shuruudo dhawr ah ku xidhay hirgelinta arrintaas.

“Madaxa WFB waannu kulannay shalay, waxyaabaha aannu ka wadahadalnayna waxa ugu muhiimsanaa laba qodob oo kala ah: Cabashada ah Xilliga Beeruhu soo go’aan inay Raashin keenaan iyo inaanay ka iibsan Beeralayda dalka wax raashin ah, markaa aniga iyo Maareeyaha xidhiidhka Raashinka Somaliland ee WFP, ayaa la kulannay Madaxa Xafiiska Somaliland ee WFB Mr. Achille Aka iyo Wefti la socda noogu yimi Gabiley, waxay yidhaahdeen markii aannu qodobbadaas u bandhignay kuma beegno xilliga raashinku soo go’o caawimadayada ee xilliga baahidu jirto ayaannu ku beegnaa oo mar baahiyi jirto ayuun baannu keennaa. Waxaanay nala qaateen inay ka iibsanayaan Beeralayda Somaliland inay ka iibsadaan Raashinka ay soo saaraan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe-Shiine.

Waxaanu Guddoomiye Shiine oo sharraxaya nuxurka shuruudo ay Madaxda WFB ku xidheen hirgelinta qorshahaas, waxaanu yidhi; “Waxay nagu xidheen dhawr qodob oo kala ah in Beeralaydu soo saarto Raashin ku filan Raashinka ay Hay’ad ahaan u baahan yihiin oo illaa 100,000 (Boqol kun) oo Mitirtan ah inay Beeralaydo soo saaraan iyo weliba Raashinkii iyagu Beeralay ahaan ay cuni lahaayeen. In Raashinka laga iibsanayaa noqdo raashin tayo leh. Waxay yidhaahdeen markaannu isku dayno inaannu raashin ka iibsanno waxay dadku kor u qaadeen qiimaha oo Galaanka oo Kun Shilin ah haddaannu isnidhaahno iibsada shan kun baa la odhanayaa bay yidhaahdeen, markaas waxay noo soo jeediyeen in taasna aannu wax ka qabanno oo Beeralayda kala hadalno in Sicir fiican wax lagaga iibiyo, qodobbadaas ayaa ugu muuhimsanaa waxyaabaha aannu ka wadahadalnay Masuuliyiinta WFB.”

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) waxa uu sheegay waxyaabaha kale ee ay isla qaateen Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFB inay ka mid yihiin in Guddi la sameeyo, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaannu isla qaadannay qolada WFB in dawladda Somaliland iyo WFB Guddi ay soo magacaabaan iyaga iyo xidhiidhiyaha Raashinka ee Somaliland, ka dib aan isla eegno tayada Raashinka loo baahan yahay, heerka awoodeed ee Beeraladayda, siday wax u soo saari karaan iyo qodobbo la hal-maala. Waxa kale oo aan kala hadlay Madaxda WFB in gobolka Gabiley xarumo Raashin-quudin ah mooyee aanay ka hirgelin wax kale oo horumarka ku saabsan, sida Ceelal-biyoodyo oo kale, taasna way ka garaabeen waxay yidhaahdeen Codsi soo qorta gobol ahaan, markaa codsigaasna waannu u qoraynaa insha ALLAAH, waxaanannu ka rejaynayna guul iyo inay hawshaas bilawga ahi si fiican u dhammaato.”

Mustafe-Shiine oo su’aal aan ka weydiiyey, sida ay Beeraladayda Somaliland, gaar ahaan reer Gabiley u dabooli karaan baahidaas Raashinka, isla markaana u buuxin karaan shuruudaha ay Hay’addu ku xidhay, waxa uu ku jawaabay; “Waxaannu ku dedaalaynaa inaannu Beeralayda ku dhiirrigelinno inay awood wax-soo-saar yeeshaan, marka hore waxaannu doonaynaa in Beeralaydeenna ay WFB ka iibsato Raashinka ay caawimo ahaanta ugu bixin lahayd dalka gudihiisa oo Raashinkeennu ku filnaan karo dalkeenna gudihiisa, marka dambe ee ay Beeralaydo Raashinkii gudaha iibiyaan ee ay baahida gudaha daboolaan waxay ku dhiirran doonaan inay kordhiyaan wax soosaarkooda hadday qalab tahay, hadday iskaashi tahay iyo hadday caawinta dawladda tahayba ay yeeshaan tamar inta ay maanta leeyihiin ka badan, waxay soo saaraan hadda ay ka badiyaan wax soo saarkooda oo Baahida Raashin ee Hay’adda iyo ta gudaheennaba ay dabooli karaan.”

“Waxaa noo qorshayn inaannu Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO kala hadalno sidii ay kor ugu qaadi lahayd wax soo saarka Beeralayda reer Somaliland, gaar ahaan gobolkan aan Guddoomiyaha ka ahay ee Gabiley oo ka mid ah deegaannada Beeraha Hodanka ku ah dalkeenna. Markaa, waannu aad ugu rejo waynahay in arrintan lagu guulaysto insha ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe-Shiine.

Sidoo kale, Maareeyaha Somaliland u qaabbilsan Xidhiidhka Raashinka ee Hay’adda WFB Yuusuf Cismaan Garas, ayaa markii uu ka soo noqday socdaalkiisaasi Gabiley Warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada socdaalkoodaas, ayaa sheegay inuu ku taxaluqo soo indho-indhaynta xaaladda gobolkaas, isla markaana sheegay inay ku qanciyeen Hay’adda WFP inay raashinkii ay dibedda ka keeni jirtay ay ka iibsato Beeralayda Somaliland.

Garas waxa uu xusay inuu socdaalkoodaasi daarnaa sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen wax-soosaarka dalka si uu hore ugu sii mariyaan Muwaaddiniinta Somaliland wax soosaarkooda. “Xukuumad ahaan waxa naga go’an sidii aannu u dhiirri-gelin lahayn wax-soo-saarka Beeralayda dalka, Xukuumad ahaan waxa aannu ku qancinnay Hay’adda WFP, in ay dhiirri-geliyaan wax soo saarka Beeralayda dalka, oo ay Hay’adda WFP. ka iibsato Beeralayda dalka Raashinka ka soo go’a, Beerahooda. Arrintaasna si rasmi ah ayaannu guul uga gaadhnay, Badhasaabka Gobalka Gabiley-na xafiiskiisa ayuu nagu qaabilay, Madaxdii Hay’adda WFP, way nala qaateen arrintaas, wxaanay noo caddeeyeen in ay diyaar u yihiin iibsashada cuntada waddaniga ah ee aynu Beeranno.”

Maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Somaliland waxa uu ugu baaqay beeralayda dalka inay ka faa’idaystaan fursadaan oo ay libin-laabaan wax soo saarkooda, kaasoo qorshaas cusubna ku tilmaamay mid lagama maarnaan ah. Waxaanu kula dardaarmay Beeralayda in ay ilaaliyaan tayada Raashinka, oo marka dallaga la jaro ay waajib tahay in la dhigo meel nadiif ah oo aanay waxyeello ka soo gaadhayn, isagoo u mahad-celiyey Guddoomiyaha gobolka Gabiley oo uu sheegay inuu si fiican uga qayb-qaatay hirgelinta heshiiskan hor-dhaca ah ee ay WFB isla afgarteen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Soamliland.