Xubnaha Cusub ee Guddiga doorashooyinka Somaliland maxay ka yidhaahdeen xilka loo ansixiyey?

Hargeysa(Aftahannews):- Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ay maanta Mudanayaasha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen, ayaa ka warramay dareenkooda la xidhiidha ansixintooda iyo sida ay uga gudbeen Wakiillada, waxaanay ballan-qaadeen inay caddaalad iyo sinnaan ah u qaban doonaan hawsha doorashooyinka Qaran ee loo xil-saaray.

XUBNAHA CUSUB EE GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA SOMALILAND

Siciid Cali Muuse oo ka mid ah Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee maanta la ansixiyey oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo Shir-gudoonkooda, waxaanu yidhi; “Waxaannu aad ugu mahadcelinaynaa Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo Xubnaha Golaha oo ee na ansixiyey maanta.”

Suxufiga Siciid Cali Muuse oo ku guulaystay inuu ka mid noqdo Guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaa na saaran Hawl culus oo naloo igmaday oo xil wayn ah. Waxaannu ku dedaalaynaa oo naga go’an inaannu ku shaqayno oo ka hawl-galno dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, hawshaas oo ah midnimo, wada shaqayn iyo tan ugu muhiimsan oo ah Caddaalad, waayo? Haddii aannu Caddaaalad ku shaqayno wax naga xumaanayaa ma jirayo.”

“Shacabka Somaliland, haddii aanay nala shaqayn oo aanay wax nala qaban maaha mid aanu waajibkayaga iyo Shaqadayada gudan karayno. Waxaan shacabka Somaliland ka codsanaynaa inay nagu caawiyaan howsha culus ee naloo dhiibay, haddaan guddiga doorashooyinka nahayna waxaanu ka shaqeyn doonnaa sidii qof walba uu ku heli lahaa xuquuqdiisa.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Cali Muuse oo ka mid ah labada Xubnood ee ay Golaha Guurtidu u soo xuleen Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaasoo iska casilay xilka Afhayeenka iyo Xidhiidhka caalamiga ah oo uu ka hayey Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland oo uu sannadkii u dambeeyeyba ka shaqaynayey.

Waxay kala yihiin Magacyada toddobada xubnood ee Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland sidan:- Maxamuud Xasan Wacays (Saygool), Siciid Cali Muuse, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Maxamed Jaamac Maxamed, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan. Waxaana soo kala magacaabay toddobadan xubnood Xisbiga UCID oo hal Xubin ah, Xisbiga WADDANI ooh al xubin ah, Golaha Guurtida oo laba Xubnood ah iyo Madaxweynaha oo Saddex Xubnood ah, sidaas ayay ku yimaaddeen toddobadan Xubnood sida uu dhigayo sharciga dhismaha Guddigaasi.

Guddigan cusub ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa maalmaha soo socda loo dhaarin doonaa xilkaas, iyagoo markaa ka dib xilka kala wareegaya Guddigii hore ee doorashooyinka oo muddo-xileedkoodii sharciga ahaa oo shan sano ahaa ku dhammaaday 29-ka bishii October ee sannadkan, waxaanay Guddiga cusub ee doorashooyinku xilka hayn doonaan muddo shan sannadood ah oo ka bilaabmi doonta maalinta xilka loo dhaariyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.