Tirada Bad-Maaxiin Budhcad-badeedda Soomaaliyeed Afduub u haysteen oo laga sii daayey

Muqdisho(Aftahannews):- Bad-maaxiin u dhashay waddanka Hindiya oo muddo 4 sannadood ah qafaalasho loogu heystay deegaanno ka tirsan degmada Xaraar-dheere ee gobolka Mudug, ayaa maanta la gaadhsiiyey Caasimadda dalka ee Muqdisho, ka dib markii la siidaayey.

BAD-MAAXIINTA HINDIYA EE LAGA SIIDAAYEY BUDHCAD-BADEEDKA SOOMAALIDA

bad-maaxiin ZXDXSFFFFFF DIYAARADDA BAD-MAAXIINTA GEYSAY MUQDISHO BUDHCAD-BADEEDDA SOOMAALIDA OO SIIDAAYEY TODDOBA BAD-MAAX

Bad-Maaxiintan reer Hindiya oo tiradoodu dhammayd toddoba Bad-Maax, ayaa tan iyo markii la afduubtay waxa gacanta ku hayay Budhcad-badeedda Soomaaliya , iyadoo sii dayntooda ay ka qayb-qaateen xubno ka tirsan Maamullada gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, ayaa Diyaarad lagaga qaaday, taasoo gaadhsiisay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, halkaasoo shalay lasoo geeyey, iyadoo aan la ogeyn in kooxihii haystay la siiyay Madax-furasho iyo in kale.

Bad-maaxiintan ayaa la filayaa in dalkooda Hindiya loo dhoofiyo, waxaanay siiddeynta toddobadan Bad-Maax ee Budhcad-badeedda laga soo fardaamiyey ku soo beegmeen wakhti ay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ay sheeegtay in dedaal dheer lagu bixiyo sidii lagu siidayn lahaa Xubnahan lagu haystay gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay Diyaaradda kasoo qaadday Bad-maaxiintan degmada Dhuuso-mareeb ay ka direen Muqdisho, taasoo qayb ka ah sida ay sheegtay dedaallada lagu doonay in lagu sii-daayo La-haystayaashan ay Afduubka ugu haysteen gobolka Mudug Budhcad-badeed Soomaaliyeed.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.