Dad la xidhnaa Wasiir Ku-xigeenkii Amniga oo Maxkamaddu Dembi ku weydey oo Xabsiga lagu celiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Laba Nin oo la xidhnaa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Aw Cismaan, balse uu Garsooraha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Axaddii toddobaadkan xukunka ku riday Cabdillaahi Abbokor iyo Askarigii ilaalada u ahaan jiray uu sheegay in wax dembi ah lagu waayey oo ay Maxkamaddu Fasaxday, ayaa weli ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

CABDILLAAHI ABBOKOR CISMAAN

Labadan Nin oo lala xidhay Wasiir ku-xigeenkii hore, ayaa la kala yidhaahdo Ismaaciil Cumar Aw Cismaan iyo Cabdi Muuse Aw Cismaan, ayaa la xidhay markii fadhiga Maxkamadda ee Xukunka lagaga dhawaaqay dhammaaday ee Maxkamadda laga soo baxay iyagoo fasixii dembi la’aanta ee Xaakinka Maxkamaddu ku dhawaaqay ku soo baxay oo markaa marayey waddada hor-marta Maxkamadda ama u dhaxaysa Maxkamadda gobolka iyo Beerta Xorriyadda, kuwaasoo lagu celiyey Xabsiga sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan oo ay labadaas nin midkood walaalo yihiin, ka kalena ilma-adeer yihiin.

Garsooraha Dacwadda Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Xuseen Jaamac Belel, ayaa Saddex sano oo xadhig ah ku xukumay Cabdillaahi Abbokor iyo Askarigii ilaalada u ahaan jiray oo uu sheegay inay lix fadhi dacwaddooda dhegaysanayeen, isla markaana ay heleen Xukun caddaalad ah, inkasta oo aanay Qareenka xubnahan u doodayey iyo Xeer-ilaalinta oo Dacwadda ku soo oogtay midkoodna ku qancin xukunka ku dhacay labadan Xubnood ay Racfaan ka qaateen, haddana Xukunka Racfaanka laga qaatay ayaan la caddayn inay ku jiraan labada Xubnood ee Xaakinku sheegay in Dembi lagu waayey oo ay fasaxan yihiin.

Hase-yeeshee, Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan, ayaa Weriye Wargeyska Himilo ka tirsan u sheegay in labadaas nin aan illaa hadda si rasmi ah loogu sheegin sababta dib loogu xidhay maaddaama oo ay Maxkamaddu fasaxday oo Xaakinka Kiiska gacanta ku hayey sheegay in wax dembi ah lagu waayey, intii Maxkamaddu socotayna aan laga sheegin inay xidhnaanayaan muddo kale ama inta Racfaanku ka dhammaanayo.

“Annagu illaa hadda ma garanayno sababta labadaas nin oo aannu mid walaalo nahay midka kalena ilma-adeer Xabsiga loogu celiyey ee dib loogu xidhay, iyaga oo markii Maxkamaddu fasaxday ee ay sidaas uga soo baxeen-ba dib loo qabtay, markii aannu Maxkamaddii dib ugu noqonnay maalmo ka dibna, waxa naloo sheegay in Xeer-ilaalintu dalbatay dib-u-xidhistooda, laakiin sababta dib loogu xidhay cid naga qancisa maannu arag.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Himilo u sheegay Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan.

Inkasta oo aannu isku daynay inaannu dhinacyada Maxkamadda iyo Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa la xidhiidhno si aannu warkan dhinacooda wax uga weydiinno noomay suuragelin inaannu helno.

Xigasho Wargeyska Himilo.