Maxkamadda Gobolka Togdheer oo Xukuntay Khamri badan iyo Dad lagu soo qabtay

Burco(Aftahannews):- Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco, ayaa Arbacadii Maanta Xukun Xadhig iyo Ganaax isugu jira ku ridday afar nin oo ku eedaysan in lagu soo qabtay Khamri ay rabeen inay Burco geliyaan oo laba ka mid ah gacanta lagu dhigay, halbada kale maqanayaal yihiin, kuwaasoo mid kasta lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah iyo saddex Malyan oo Lacag ah, sida uu sheegay Xaakinka Maxkamaddu.

burco khamri

KHAMRIGA BURCO LAGU GUBAY MAXKAMADDA BURCO OO XUKUNTAY KHAMRI

Waxay Maxkamadda gobolka Togdheer sidoo kale xukuntay Afar boqol oo Litir oo Khamri ah iyo Gaadhiga uu saarnaa, waxaana goob-joog ka ahaa oo ka hadlay halkaas Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdi.
Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Xukunkaas, Gubista Khamriga iyo Warbixinta Masuuliyiinta ka hadlay oo dhammaystiran:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.