Maktabadda Gaandi oo ku soo noqotay Gacanta Dhalinyarada & Xukuumadda oo ka noqotay go’aan kacdoon dhaliyey

Hargeysa(Aftahannews):- Magtabadda Gandi oo ku taalla badhtamaha magaalada Hareysa, gaar ahaan Saldhigga dhexe ee Booliska oo maalmihii u dambeeyey khilaaf ka taagnaa ka dib markii ay Shacab dhalinyaro u badani gedood ka muujiyeen qorshe ay Xukuumaddu kaga iibisay Shirkadda Ganacsiga ee Al-Xarbi, taasoo la xidhay, hase-yeeshee, maanta si rasmi ah dib loogu furay, ka dib markii Guddi is-xil-qaantay oo toban xubnood ahi kulammo arrintaas kala yeesheen Madaxweynaha iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan.

Xubnaha Guddiga ah ee ku guulaystay dib-u-furista Maktabadda Gaandi, ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Madaxweynaha, Wasiirrada Waxbarashada, Madaxtooyada, Arrimaha dibedda iyo cid kale oo kala shaqaysay ka noqoshada go’aanka lagu xidhay ee lagu iibinayey Guriga Maktabaddaas oo ka mid ah Guryaha dawladda ee Caasimadda Hargeysa.

Haddaba, Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka Dhalinyarada is-xil-qaantay ee ku guulaystay dib-u-furista Maktabadda Gaandi iyo Masuuliyiin Maktabadda u hadlay-ba:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.