Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo Kormeeray Goobaha Diiwaangelintu ka socoto ee Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa maanta kormeer ku soo maray goobaha Caasimadda Hargeysa ee ay ka socoto diiwaangelinta Madaniga ah oo dabayaaqadii bishii hore ka bilaabantay Hargeysa.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo hor-kacayey Masuuliyiinta kormeerka samaysay oo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi ka mid ahaa, ayaa Saxaafadda kula hadlay goob diiwaangelintu ka socoto oo ku taalla Xaafadda Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa, ayaa ku bogaadiyey dadweynaha Caasimadda ku dhaqan sida waddaniyadda leh ee ay ugu soo baxeen, isla markaana safafka ugu galeen inay is-diiwaangeliyaan si ay Muwaaddinnimadooda caddeeyaan.

Haddaba, Hadalka, Warbixinta iyo soo-jeedinta Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo Muuqaal ah waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho Habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.