Tirada Ciidammo gaar ah oo Uganda u soo dirayso ilaalinta Madaxtooayda & Baarlamaanka Soomaaliya

Kampala(Aftahannews):- Dawladda Uganda, ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidammo gaar ah oo ilaaliya Ammaanka Madaxtooyada iyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya u soo dirayso, Cidankaas oo tiradoodu dhan tahay laba kun iyo toddoba boqol (2700) oo qayb ka noqonaya Hawlgalka Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo ay horena Kumannaan Askari Uganda uga joogeen dalka.

Ciimmada Uganda

Taliyaha Millateriga Uganda Jen. Katumba Wamala, ayaa sheegay in Ciidanka cusub ay xoojinayaan kuwa ilaaliya xarunta Madaxtooyada, Baarlamaanka, Garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho. Isagoo intaas ku daray in Ciidammadan ay toddobaadyo ku qaadanayeen tabobbar gaar ah, kaasoo ay bixinayaan Saraakiil Mareykan iyo Faransiis ah.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa kaddib saddex toddobaad markii laga qabsaday Al-shabaab degmada Baraawe oo ahayd xarun weyn oo ay muddo sannado ah gacanta ku hayeen, iyadoo howlgalka looga qabsaday degmadan ay fuliyeen ciidamada Uganda ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Noqda kuwo feejigan, ogaadan aad tihiin ciidan tababar wanaagsan qaba, fadlan ka difaaca argagaxisada inay dhibaateeyaan shacabka iyo goobaha muhiimka ah.” Sidaa ayuu yiri Taliyaha Millateriga Uganda General Wamala oo la hadlayay Ciidammadaas, isagoo sheegay inay dhawaan ka soo gaadhi doonaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Waxaanu Taliyaha Ciidammada Millateriga Dawladda Uganda oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yiri; “Inkastoo ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan badan oo ay ka mid tahay Baraawe, haddana mar walba waxay diyaar u yihiin inay caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya. Waxaannu naf iyo maalba la garab taagannahay Soomaaliya si looga hor-tago loona yareeyo khataraha ka iman kara argaggixisada.”

Ciidammada Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa tan iyo sannadkii 2007 ka hawlgalayay Soomaaliya, waxaana Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidammo ka socda Afrika geeya Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya, ayaa sheegatay Masuuliyadda Qaraxyo Caasimadda Uganda ee Kampala ka dhacay sannadkii 2010, kuwaasoo lala beegsaday goobo Makhaayado ah oo lagu daawanayey Ciyaaraha Koobka Afrika oo markaas socday, dad badanina ku dhinteen, waxaanay Al-Shabaab ku sheegtay inay kaga aar-goosanayso hawlgallada Ciidanka Uganda ka wado Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Nairobi/Kenya/Office.