“Xaaladda Cali Khaliif ku sugan yahay aad baannu uga xunnahay waa xaalad adag oo liidata” Wasiir Xaglo-toosiye

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inuu ka xun yahay xaaladda Hoggaamiyaha Kooxda Khaamuto Cali Khaliif Galaydh ku sugan yahay oo uu ku tilmaamay xaalad liidata oo aan nin weyn oo sidiisa oo kale ah ku habboon.

WASIIR XAGLO-TOOSIYE IYO MADAXWEYNAHA KHAATUMO GALAYDH

Wasiir Xaglo-toosiye waxa kale oo uu ka hadlay sida ay Wasaarad ahaan uga diyaar-garoobeen halista iyo faafista Cudurka dilaaga ah ee Ebola oo aafeeyey dalalka Galbeedka Afrika iyo waddamo kale oo caalamka ah. Waxaanu sidoo kale, sheegay in Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Guddi gaar ah u sameeyey khalkhal-gelinta Nabadgelyada Somaliland, taasina aanay ahayn wax ka soconaynaysa, haddii uu isku dayo inuu faro-gelin ku sameeyo amniga Somaliland uu faraha kaga guban doono.

Sidaa waxa uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku sheegay Waraysi uu siiyey Weriyeyaal ka tirsan Bulsho TV oo maanta kula kulmay magaalada Hargeysa, arrimo kala duwanna wax ka weydiiyey. Waxaanannu Warbixintiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.