Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Isku-shaandhayn ku sameeyey Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Fedeeraalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmaed, ayaa Isku-shaandhayn ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada, waxaanu isku beddelay qaar ka tirsan Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumaddiisa.

SHIRKA WASIIRRADA FEDERAALKA SOMALIA

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa Warbaahinta dawladda ka akhriyay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Raysal-wasaaraha oo lagu kala beddelay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda, waxaana isku shaandheyntaasi ay tahay sidan hoos ku qoran:-

“1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur.”

Halkan hoose ka dhegayso Codka Wasiir Dhuxulow oo Akhriyaya Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya ee isku-shaandhaynta uu ku sameeyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.