“Waxaan leeyahay Nidaamkani ha dhaco, halla rido, waxaana ballan iga ah shalayto sidii Siilaanyo” Xl: Siciid C Rooble

“Siilaanyo waakii muddaharaadka nagu hor-kacayey, Muddaharaadkiisa kiisii baan keenaynaa, Midaan Al-Taxriir baynu sideennii u keenaynaa, waa kacaynaa, Rasaasta ha wadaan, hadday dayn waayaan waynu la soo baxaynaa innaguna…” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga doorto gobolka Saaxil, kana soo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobollada iyo degmooyinka dalka ku dhaqan inay ka soo horjeestaan Diiwaangelinta Madaniga ah oo uu sheegay in Tunka lagu sito, isla markaana ay ka diidaan Xukuumadda Siilaanyo muddo-kordhsi.

Waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in sidii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo muddaharaaddada ugu hoggaamin jiray Shacabka markii uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo markaa Mucaaridka ugu waynaa ahaa uu u hoggaamin doono muddaharaadyo sharci ah oo si nabadgelyo ah u dhaca, isla markaana haddii rasaas Xukuumaddu u adeegsato oo ay joojin weydo Rasaasta nool Shacabkuna ay hubkooda la soo bixi doonaan.

“Anigu waxaan leeyahay Nidaamkani ha dhaco, halla rido, waxaana ballan ah oo aan leeyahay shalayto Siilaanyo waakii muddaharaadka nagu hor-kacayey, Muddaharaadkiisa kiisii baan keenaynaa, Midaan Al-Taxriir baynu sideennii u keenaynaa, waa kacaynaa, Rasaasta ha wadaan, hadday dayn waayaan waynu la soo baxaynaa innaguna.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaan Siciid waxa uu sheegay inuu ka xun yahay waxa ka dhacay magaalada Gabiley iyo dilka loo geystay Saraakiisha Ciidammada Qaranka ka tirsanaa oo u kala dhashay magaalooyinka gobolka Gabiley iyo Degmada Dila ee gobolka Awdal, waxaanu dadweynaha ku dhaqan labadaas magaalo u soo jeediyey inay tiiraanyada iyo baroor-diiqda la qabaan dadweynaha reer Somaliland ee ku kala dhaqan gobollada kala duwan ee dalka oo ay ka xun yihini sida wax u dheceen.

Warka Siciid Cilmi Rooble oo Muuqaal ah ka Daawo halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.