Australia oo Khaati ka taagan Dhalinyarada ISIS ku biiraya & hawgallo culus oo Ciidammadu Dad ku qabqabteen

Sydney(Aftahannews):- Dalka Australia oo khatyaan ka taagan korodhka tirade dhalinyarada ku biiraysa Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish, ayaa labadii habeen ee u dambeeyey fulinayey howlgalkii ugu ballaadhnaa taariikhda dalkaas oo ay kula dagaallamayaan argagixisda, waxaana hawlgalladaas lagu qabtay dad kala duwan, iyadoo mid ka mid ah dadkaas Maxkamad la taagan.

Australia prime minister Tony Abbott

Ciidammada AMMAANKA ASTURALIA AUSTRALIA

Sida ay sheegeen Sarakiisha Ammaanka ee dalka Astralia illaa iyo 800 oo ka tirsan Ciidanka Booliska dalkaas oo aad u hubeysnaa, ayaa howlgalada ka furliyay guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla magaalooyinka Sydney iyo Brisbane, waxaana Boolisku ay ku soo qabteen 15 qof oo looga shakisanyahay inay falal argagixiso oo Australia ka dhan maleegayeen.

Xassan Jaamac oo ka tirsan Weriyeyaasha Radiyaha SBS, laantiisa Afka Soomaaliga ee magaalada Sydney ee dalka Australia, ayaa VOA-da uga warramay, wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha hawlgalladaas, waxaanu sheegay in gelinkii dambe ee Khamiista Maxkamad la soo taagay nin dhalinyaro ah oo dadka la qabtay ka mid ah.

Waxa uu Xasan sheegay in ninkaasi taleefan looga soo diray Bariga dhexe Ciidammada Australia dhegaysteen, waxaanu yidhi; “Ninkaasi wuxu ahaa nin 22-jir ah oo la sheegay in Taleefan Ciidammada Ammaanku qabteen oo looga soo diray Bariga dhexe, isla markaana laga codsaday inuu Dad shacab ah afduubo, dabadeedna uu dilo, lagana duubo Muuqaal Fiidyoow ah oo ay u isticmaalaan sida ay u isticmaalaan qaar hore oo kale ay Warbaahinta u soo dhigaan, ninkaas baa Maxkamadda la saaray, qaar badan oo kale waa la xidh-xidhay.”

Sidoo kale waxa uu sheegey inay Ciidammada Boolisku ay magaalooyin kala duwan ka sameeyeen hawlgallo waawayn oo ay dad badan ku xidh-xidheen, kuna baadheen guryo caadi ah iyo goobo ganacsi oo kala duwan. Isla markaana waxa uu xusay inay saamayn ballaadhan ku yeesheen hawlgalladani Muslimiinta ku dhaqan magaalooyinka dalkaas oo uu xusay Muslimiinta Xaafadaha Caasimadda dalkaas deggan mid ka mid ahi inay sameeyeen bannaan-bax ay kaga cabanayaan hawlgalladaas oo ay sheegeen in siddeed boqol oo Askari ay baadheen guryohooda, dhawr iyo toban qof ah oo keliya-na ay ku qabteen Ciidammadu.

Raysal-wasaaraha Australia Tony Abbott, waxa uu sheegay inay weerarro argaggixiso ay dalka ka dhici kareen maalmo kooban gudeheed, sidaa awgeed-na ay qasab ku noqotay inay dawladdu bilawdo hawlgalladan ay Ciidammada Ammaanku ka sameeyeen magaaalooyinka dalka, isla markaana dadka dhawr iyo tobanka qof ah ku qabteen, kuna fashiliyeen Wiilka qorshaynayey inuu dad ka afduubo dalkaas, isla markaana dilo.

Waxaanu Raysal-wasaaruhu u soo jeediyey Muslimiinta inaanay hawlgalladani ahayn kuwo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo, balse lagu sugayo ammaanka dalka, dhawaanna sharci la-dagaallanka argaggixisada ku saabsan Xukuumaddu hor-geyn doonto Baarlamaanka Australia.

Dhawr iyo lixdan ka tirsan dhalinyarada reer Australia oo ka tegay dalkaas, ayaa ka barbar-dagaallamaya Kooxda Muslimiinta Daacish ee dagaallada kaga jira dalalka Ciraaq iyo Suuriya qaybo ka tirsan. Waxaaanay dawladda Australia ka mid tahay dawladaha ka qayb-qaadan doona dagaalka lagula jiro Daacish ee uu Maraykanku hoggaaminayo, waxaana laga mabnuucay dadka Australia ka tegayaa inay u safri karaan dalalka Suuriya iyo Turkiga iyo waddamo kale oo Bariga dhexe ah.

aftahaninc@gmail.com                     

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.