Faadumo Siciid oo fashilisay Qalab ay dawalddu qarsato oo loogu talo-galay Muddaharaadyada, halka Rasaasta nool ay ka adeegsanayso

FAADUMO SICIID IBRAAHIN
FAADUMO SICIID IBRAAHIN

HargeysaAftahannews):- Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa sheegtay inaan loo dul-qaadan karin in Ciidanka Booliska Somaliland markasta Rasaas nool uu adeegsadaan Shacab Muwaaddiniin ah oo dareenkooda ku cabbiraya Muddaharaad nabadgelyo ah, iyadoo ay dawladdu haysato oo lagu caawiyey, isla markaana Istoodhada ku xidhatay Qalabka loogu talo-galay in Ciidammadu kaga hor-tagaan, kuna kala kexeeyaan Muddaharaadyada.

FAADUMO SICIID IBRAAHIN XOGHAYAHA DHAQAALAHA UCID

Faadumo Siciid oo ka hadlaysay Muddaharaadka Jimcihii maanta gilgilay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley oo sababay dhimashada ilmo yar iyo dhaawaca siddeed qof oo saddex ka tirsani yihiin Askar dhagax ku dhaawacantay, halka dadka shacabka ahi ay ku dhaawacmeen Rasaas nool oo ay Ciidammada Boolisku u adeegsadeen.

Muddaharaadka ayaa ahaa mid lagaga soo horjeeday dilka mid ka mid ah laba Sarkaal oo Habeen-hore Arbacadii lagu dilay Tuulada Qori-lugud oo ka tirsan gobolka Saraar oo midkood Gabiley ka soo joode, isla markaana uu dilay Askari ay isku beel yihiin Madaxweyne Siilaanyo oo aan la qaban ee la sheegay inuu Baxsaday sida ay Xukuumaddu uga aammustay inay ka hadasho, balse waxa ka dhashay khasaare ka sii badan dilka ay dadka reer Gabiley sida ay uga xun yihiin muujinayeen ee Sarkaalkaas.

Marwo Faadumo Siciid Oo Waraysi kooban oo arrintan ku saabsan Maanta Siisay Weriye Cabdirisaaq Maxamuud Caalin (Cabdoo) waxa ay shegtay in in ciidammada bilaysku si gurracan u waajaheen hakinta Mashaqadaas, waxa ay cambaaraysay dilka laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Militariga Somaliland.

Marwo Faadumo Siciid   ayaa sii kulul uu cambaraysay ciidamada bileyska iyo dawlada Axmed Silaanyo. Iyadu sheegtay in aanay ku jiriin dastuurka Somaliland in muwadiniin mudahaarad salmi ah samayneya ay xabbad nool ah loo adeegsado, waxaanay tidhi; “Wallahi maanta waxan jecelahay anigu xisbi ahaan ku hadlo, laakiinse anigu Faadumo ahaan oo muwadinad aan waraysigan idinku qaabilo. Sababto ah dhacdadan oo kale mucaarid iyo muxaafidba ma kala lahaa, tan oo kale wa arrin fool xun. Mudaharadka qofka muwadinka ah xaaq bu uu leeyahay oo dasturka xaaq uu siyee inn uu mudaharad salmi ay qabsan karayaan, dowladuna waxa xil ka saran tahay inay ilaaliyan aminga dalka iyo dadkaba ay ilaaliyan.”

“Laakiin-se laguma talo-gelin, lamana aqbali karo inay Xabbad nool Muwaaddininta loo adeegsado, dawladdu waxay haysata oo istoodhada ugu xidhan oo ay qariyeen qalaabki lagu talo-galay Muddaharaadka ay Ciidanka Boolisku u isticmalaan. Qalabkaas markii an uu shaqaneye hayada UNDP ayanu siney anagu macaa tobabarka habka qalabkas cidanku adgeegsan lahayeen, Sababta loo siyee ay wadamada reer galbeedku gar ahaan dowlada Ingiriska u siysay sii anay xabad nool loo adeegsan dadka muwadiininta ee mudaharada.” Sidaa ayay tidhi Faadumo.

“Dasturkeenu maa ogolaa, diintenu maa ogola iyo shucuurtenu maa ogola inn carurteena, lala dhaco xabad nool o dhimasho iyo dhawaac ku kenaysa. Marka waxan dowlada faraya inay iska dayaan xabadan nool ay dadki, dhalinyarti iyo dumarki loo adeegsaneyo inay iska dayaan. Waxase ay tahay shay add iyo add uu fool xun oo meel kasto anuu marno ay naa waydiyan waa maxay sababta ay dowladinu uu isticmaali ladahay qalaabki laa siyee oo lacagta farabadan ay dowladaha shisheeye oo tobabaraha farabadan ay ku bixiyeen loo isticmali layahay?” sidana waxa tidhi Marwo Fadumo Sicid Ibraahin oo uu waraysi ka qaday Cabdirisaq Maxamud Caalin oo ka tirsan Wargeyska Saxafi.

Suaal: Waxa kalo nn waydiye Faadumo Siciid sababta keentay in Xabbad nool Ciidammada Ammaanku u adeegsadaan dad Shacab ah oo aan hubaysnayn oo muddaharaadaya maaddaama oo Booliska lagu caawiyey qalabka muddaharaadyada lagaga hortago, waxaanay ku jawaabtay oo ay tidhi; “Xabada nool waxa lagu tala galay inn laa iska celiyo dad caadow ah oo la iska celinayo, waxa lagu talo galay dad militeri ah oo islayneyaa. Lakinse lagu ma talo gelin inn dad shacabka ah oo muwadininta ahaa oo an hubaysnayn inn xabada nool loo adeegsado xuquqda adahama kuma jirto wana kaga mabnuuc, sababta ay dowladaha ajanabigu ugu tobabarayeen inay qalaabkan isticmaalan oo wakhti badan ku qadatay iyo lacag farabadan ku bixiyeen oo ahayd badbaadada dadka muwadiininta oo an hubeysnayn o hubna qadaan, iyagu mudaharad salmi ah samayneya. Hadi uu mudaharad dadka ay hoos galan oo ay qalan-faac ba lo samayee. Xabada nool ah loma samayn, maa argagaxisa ah ba meesha ku jirta, ma militeri soo dulay ba, ma cadow wadan kale ka soo dulay ba.”

Waxaanay Faadumo oo sii wadata hadalkeeda intaas ku dartay oo ay tidhi; “Miyaney dumarkeeni, carurteeni iyo rageeni ee muwadininteeni ahayd ee reer gabiley miyaney ahayn dadka caynkan loo adeegsaneyo xabada nool. War reer gabiley miyaney muwadinin reer Somaliland ahayn? Maxaa loo cadadineya oo loo didayaa xoriyaatul qawlkoda, maxa mar kaste kontaynaar logu dileyaa? Maxa markaste lo leyahay maa hadli karaan ma dhaqaaqi karaan, maxa markaste saraakishoda loo casilaya oo loo dileyaa. War cadowtinimada reer gabiley loo hayo anigu ma garaneyo, dowladu dib ha uga fiirsato oo dib ha isugu noqoto.”

“Waxan ugu dambaynti uu direya anigu fadumo sicid ah oo hoyoo ah oo habaryaro ah, oo Eedo ah iyo ayayo ah. Shabiga reer gabiley add iyo add ban idin ka tacsideynaya waxa idin ku dhacay, waxana ilahay idin ka rajenayaa jasaid siyoo. Intii dhawantayna ilahay ha shafiyo, hadi qof ku dhimatayna ilahay ha uu naxaristo, waxana reer gabiley uu shegayna manta wanu idin laa oyaynaa oo wanu idin la baroordiqeyna xannunka idin ku dhacay wa xanun anaga nagu dhacay.” Sidaa ayey tidhi Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faadumo Siciid Ibraahin.

aftahaninc@gmail.com                     

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.