“Waxaan si adag u Cambaareynayaa sida ay Xukuumaddu ula dhaqantey Shacbiga Reer Gabiley ee ..” Cirro

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay Xukuumaddu uga hor-tagtay Muddaharaad rabshado watay oo maanta ka dhacay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, kaasoo saababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

CABDIRAXMAAN-CIRRO

Cabdiraxmaan-Cirro War kooban oo Qoraal ah oo uu caawa Warbaahinta soo gaadhsiiyey, waxa uu ku sheegay inuu ka xun yahay, isla markaana aad u cambaaraynayo sida ay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ula dhaqantay Shacabka reer Gabiley oo uu xusay inay Tacab badan iyo Abaal ku lahaayeen Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee talada haysa.

Qoraalkaas uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u qornaa sidan:- “Inaalillaahu Wa-innaa-Ileyhi Raajucuun. Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoysaska labada Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidammada Qaranka Somaliland ee lagu dilay Tuulada Qoril-ugud, anigoo Illaahay uga baryaya in uu Jannadii fardowsa ka waraabiyo, gacan ka xaq-daranbaa dishaye Illaahay ka abaal-mariyo.

Waxaanan Tacsidan u gudbinayaa dhammaanba Ciidammada Qaranka ee ay kabaxeen iyo shacbiga Reer Somaliland guud ahaanba, waxaanan si gaar ah uga tacsiyaynayaa dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla ee ay kasoo jeedeen iyo qoysaskoodii.

Waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumaddu ula dhaqantey Shacbiga Reer Gabiley ee Tacabka ku lahaa dhaawacyada soo gaadhay dhalinyarada muddaharaadayay ee Reer Gabiley aad ayaannu uga xunnahay, waxaanan leeyahay Illaahay nabar gardarro ha idiinka dhigo.

Waxa kale oo aan tacsi u dirayaa ilmaha yar ee ku dhintey rabshadaasi iyo qoyaskiisa, waxaanan Illaahay ka baryayaa inuu Shacabka Reer Gabileyna Samir iyo Iimaan ka siiyo, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyadooda ilaashadaan, oo ay dareenkooda si salmi ah u gudbiyaan.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan qoraalka ah ee uu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ugu talo-galay Warbaahinta ee uu dhacdada maanta oo Jimce ahayd ka dhacday magaalada Gabiley kaga hadlay oo Nuqul ka mid ah Aftahannews soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com                     

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.