Jamaal Cali Xuseen oo si adag Xukuumadda Siilaanyo ugu canaantay dhibaatada ka dhacday Gabiley

MUSHARRAX JAMAAL CALI XUSEEN

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag uga hadlay khasaaraha ka dhashay Muddaharaadka maanta gilgilay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, kaasoo uu ku canaantay Xukuumadda inay si fool-xun uga hor-tagtay.

Muddaharaadkaas ka dhacay Jimcihii maanta magaalada Gabiley waxa ku dhintay halk qof oo ilmo-yar ahaa, siddeed kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo dhaawacyada lagu dawaynayo cusbitaalka guud ee magaaladaas.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya sida wax u dhaceen, Tacsina u diraya guud ahaan dadka reer Gabiley ee waxyeelladu soo gaadhay, qoysaska Saraakiisha Askarugu dilay iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland, Daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.