Somaliland Maxay ka tidhi Dacwad ay Soomaaliya ka gudbinayso Shirkadaha ay Heshiiska kula jirto?

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay ka jawaabtay war ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay ka Dacwaynayso Shirkadaha Heshiisyada Shidaal-baadhista kula jira Somaliland, waxaanu Wasiirka Baadroolka Soomaliya sheegay inay Shirkadda DNO oo laga leeyahay Norway amni-darro ka abuurayso Soomaaliya oo ay Malleeshiyaad tababbarayso.

WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND XUSEEN CABDI DUCAALE (WEJI-XUN)

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar, oo sheegay inay Shirkadda Norway laga leeyahay ee Sahaminta iyo Baadhista Shidaalka ee DNO oo Somaliland kula jirta heshiis Shidaal Sahamin ahi ay waddo iska hor-keenka iyo burburinta nabadelyada Soomaaliya, isla markaana ay ka dacwaynayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Shirkaddaas iyo kuwo yaryar oo kaleba.

Hase-yeeshee, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo War Qoraal ah caawa ka soo saaray Magaalada Hargeysa, wuxu qoraalkiisa ku sheegay inay wax lala yaabo tahay warka uu Wasiirka Baadroolka Soomaaliya siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters Arbacadii, kaasoo uu sheegay inaanay waxba ka jirin, Somaliland-na ay tahay waddan Madax-bannaan oo dawladnimadiisa, ka-faa’iidaysiga khayraadka dalkiisa iyo dawladnimadiisaba u madax-bannaan ee aan ahayn dal ay Somaliland wax isugu jiraan aan ahayn walaalnimo iyo derisnimo.

Waxa uu Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland sheegay inay Soomaaliya uga digayaan inay soo faro-geliso ama wax saamayn ah ku yeelato Shirkadaha heshiisyada Shidaal baadhista ah kula jira dawladda Somaliland. “Somaliland waxay ku timi codka shacbkeeda oo 97% ugu codeeyay dustuurka Somaliland iyo madaxbanaanida dalkeeda. Waxa Jamhuuriyadda Somaliland ku qanacsan tahay inaan wax muran gelin kara jirin ka-faaiidaysiga khayraadka Eebbe ku mannaystay geyigeeda si loo kobciyo nolosha iyo horumarka shacabkeeda.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Wasiir Ducaale oo qoraalkiisa sii waday waxa uu yidhi; “Xukuumadda Somaliland iyada ayaa ku filan, awood aan la tarraxinna u leh, bixinta liisannada la xidhiidha shiidaalka iyo macaadiinta bad iyo berriba inta xuduudaheedu ku siman yihiin. Liisanno maamullada Muqdisho laga soo qaatay kama shaqeeyaan, kamana shaqayn doonaan Jamhuuriyadda Somaliland dhexdeeda. Somaliland waa qaran jira oo dhammaan waaxaha waaweyn ee dawladnimadiisa dhammaystirtay 23kii saanadood ee u dambeeyey, iyado oo uu si buuxda uga soo ceshaday maamuladii isaga dambeeyey Muqdisho xorriyaddii ka fool-habawday 1960kii. Somaliland lagama yaabo inay xoriyadeeda buuxda ee ay qaaliga ku soo heshay mar labaad gorgortan kala gasho cidnaba.”

“Shirkadaha Caalamiga ah ee kalashaqeeya Jamhuuriyadda Somaliland shiidaal baadhista ma aha kuwo ay ku cusub tahay xaqiiqada dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku hanaqaadday, iyo tan habawsan ee Muqisho weli ku sugan tahay toonna. Waa shirkado, iyagoo ku qanacsan jiritaanka iyo awoodaha sharciyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, la galay heshiisyo faa’iido qaybsi ah, oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Shirkaduhu horena oggolaansho uma weydiisan Soomaaliya, haddana kuma talo jiraan, umana socdaan, maaddaama aanay meelnaba u soo marin xaqa noocaas ah. Waxaannu uga digaynaa dawladda Soomaaliya ee Muqdisho soo faro-geliyo arrimaha gaarka ah u Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacabkeedaan tooda gaarka ah iyo arrimaha gudohooda.”

Wasiirka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya u qaabbilsan Macdanta iyo Baadroolka Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Shirkadda Norway laga leeyahay ee DNO ay ka waddo Bariga Somaliland hawlgallo shidaal-baadhis ah, isagoo ku dooday inaanu sharci ahayn heshiiska ay la gashay Somaliland oo uu ugu yeedhay Maamul-goboleed Soomaaliya ka tirsan, waxaanu ku eedeeyey Shirkaddaasi inay Malleeshiyaad hubaysan tabobbarayso si ay u ilaaliyaan inta ay shaqada u joogto, taasoo uu ku tilmaamay mid lagu burburinayo dedaalka beesha caalamka ee dhismaha nabadgelyada Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud sheegay in Shirkadda DNO iyo Shirkado kale oo yaryar oo aanu magacaabin ay u digayaan kana dacwaynayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hase-yeeshee, Dhiggiisa Somaliland waxa uu ku dooday inaanay waxaas oo dhan wax ka jiraa jirin, Somaliland iyo Shirkadaha ay Heshiiska Khayraadka Dabeeciga ah ka faa’iidaysigiisa ay ku wada-jiraanna u joojin doonin waxaas iyo wax la mid ah oo Soomaaliya kaga yimaadda toona.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa Xisbiyada Mucaaridka ahi ku eedeeyaan Musuqmaasuq iyo inuu isagu isku koobay Lacagaha heshiisyada Khayraadka dabeeciga ah ee uu la galo shirkadaha caalamiga ah ee hawl-gallada Shidaal ka wada gudaha Somaliland, isla markaana aanu heshiisyadaas horgeynin Golaha Wakiillada oo Sharci ahaan Dastuurka dalku u waajibiyey inay ansixiyaan heshiisyada ay Xukuumaddu la gasho Shirkadaha caalamiga ah iyo dalalka shisheeye, iyadoo Wasiirka Macdanta Xuseen Cali Ducaale lagu tiriyo Wasiirrada ay Madaxweyne Siilaanyo isku beesha yihiin, isla markaana isku-hallaynta uu Madaxweynaha ka hasyto darteed isaga indha-tiro waajibaadyada Sharci ee Shaqadada, gaar ahaan dhinaca Sharciyeynta Heshiisyada uu galo iyo caddaynta dakhligooda oo aan weli laga haynin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.