RUNTU, MA FANTAA? Mustafe Sheekh Cumar Geeddi

Riyaaliyo UDUB

Shacbigii riday

Filay meel roon

Reerba reer baa

Loo rakaabshoo

Kamay raysane

Runtu ma fantaa…”

Mustafe-Sheekh-Cumar-Geeddi-200x133

Waa koox xamaaliin ah oo Habkii geellihii Berbera hees hawleed ka turjumaysa aragtidooda la xidhiidha waayaha guud ee dalka isu jiibinaysa.

Waa badhtamaha Hargeysa iyo shalay. Waxay ka hadlayaan oo murtidoodu u dhacaysaa markaad u fiirsato mid ay ku waaninayaan Xukuumadda. Waxaa ay is tuseen in rinjiyaynta guryaha ay ka mudan tahay in dadka la dhiso. Haddii aan si kale u dhigo waxaa ay la tahay in shaqooyin la abuuro oo nidaamka caddaaladda ah ee lagu gaadhi karo sinnaani ay fiican tahay, waxsoosaarka dalka iyo caafimaadka oo laga shaqeeyo ayay muujiyeen inay ka mudan tahay wax kasta. Waxaa sidoo kale ka dhex muuqda  shirkadahan macdanta oo ay ka wabinayaan waxtarkoodu ha danbeeyee waxyeelladooda.

Shacbigii riday

Riyaale eryee

Fishay meel roon

Reerba reer baa

Lagu reeboo

Kamay raysane

Runtu ma fantaa…

‘Hoobeeya’ ayaa halqabsi mar walba u ahayd. Hadba mid ayaa dhufanaya oo marka midi tuduc soo tuuraba ee hooriska la yimaadba mid kale ayaa soo galayay. Waxay ahaayeen rag aan aftahammo ahaan liidan, welise isu qirin hooballo. Mid tisqaad u muuqda oo kaligii loo jiibinayayna ma muuqan. Sidaas oo ay tahay xoogsatadan mid wal oo ka mid ahi xarafraaca iyo macnaha ujeeddada uu leeyahay kama lunsanayne toos buu u soo dhigayay.

Shirkad raratoo

Macdan rahantiyo

Rinjiyayn guri

Ruuxii baahnaa

Raasamaal iyo

Raaxo ma u noqon? … Hoobeeyaa

Aad baa qalinku u xiisaynayay weelaynta eraygooda, sababta oo ah xogta ugu mudan ee wariye soo gudbiyaa waa tabasho in bulshada ka mid ah saamaysay, islamarkaana aan ka soo fulin afka weji ku macaash abaabulan oo dano siyaasi ah ama shaqsi ah leh.

Dad rafaad sani

Rikoodh dawliya

Rays aan jiriniyo

Beentoo raashina

U riyaaqa leh

Miyay raacaan?

Dareenkan inta badan waxaa goobaha laga ogaado ka mid ah xarumaha ay garab raratada maalin ku dirirka ahi ka xoogsato, kuwaas oo hannaan kala duwan isugu tebiya hadba waayaha la soo gudboonaada iyaga oo aad ka garan karto inay ka run sheegayaan noloshooda oo naftu warramayso. Ma la dhisi kari waayay hal biyo-xidh ama wershad waxsoosaar ayaa hadalkooda ku jirtay, laakiin siday u dhigayeen intii aanan haleelin ayay soo afjareen hawshii cuslayd oo qaybta ugu mudan ka ahayd curinta heeskooda, waxaana erayadii ugu danbeeyay ee aan ka haleeyay ka mid ahaa.

Cod la raro iyo

Rubad goyntii

Ramaas ima geyn

Ma se rejo xumin

Raxmaan baa jira.

Mustafe Sheekh Cumar Geeddi

Faallada Tifaftiraha Wargeyska Saxafi Ee magaalada Hargeysa.

Email: ciwaankamustafa@gmail.com.