Abwaan Hurre Walanwal oo ku Ceeboobay Hadallo ka soo yeedhay oo uu Siilaanyo ku difaacay

Burco(Aftahannews):- Abwaan Hurre Ibraahin Warsame (Hurre Walan-wal), ayaa ku hanjabay inaanu jirin Bahal ka da’ wayn oo dad cun ahi, isaga oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay Suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo Xukuumadda Siilaanyo dagaalka ka dhacay Balliga Diirye Guuleed ee Waqooyiga Magaalada Burco oo ay ku muransan yihiin Beelaha Habar-jeclo iyo Cabdalla Arab.

Hurre Walanwal ayaa ku ceeboobay hadalkan ka soo yeedhay oo dadka ula muuqday mid uu isagoo Abwaan Qaran ah ugu adeegayo Beesha uu ka soo jeedo iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ay isku beel yihiin.

Balhalkan hoose ka daawo Muuqaalka iyo Hadalka Abwaan Hurre Walalwal oo arrimahaas ka hadlaya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.