Agaasime guud oo Wasiirkiisu sida Mikirifoonka ugu adeegsaday Aflagaaddaynta Xildhibaannada Wakiillada

Hargeysa(Aftahannews):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cirka Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), ayaa aflagaaddo qaawan kula kucay Mudanayaal Golaha Wakiillada ka tirsan, ka dib markii uu Warbaahinta u mariyey Weedho aan ku habboonayn oo uu Wasiirka uu gacan-yaraha u yahay ee Duulistu u yeedhiyey oo uu sida Mikirofoonka (cod-baahiyaha) oo kale hadalka loogu gudbiyo ugu isticmaalay gudbinta erayadaas.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka gubtay eedaymo ay Xildhibaanno Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan oo shalay Saxaafadda la hadlay, ka dib ay Wasaaraddu Farriin ogeysiin ah Bulshada u marisay Taleefannadooda gacanta, farriintaas oo lagu ogeysiinayey dadweynaha ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa inay ku soo talo-galaan lacag aan sharciga waafaqsanayn sida ay Mudanayaashu ku eedeeyeen.

Tallaabada uu ka gubashada eedayntaas kaga jawaabay Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa noqotay inuu weedho xanaf leh u liqimo Agaasimaha Wasaaraddaas oo Shaqada Socod-barad ku ah, isla markaana uu faray inuu ugu jawaabo Xildhibaannada Wakiillada ee sharci-darrada ku tilmaamay Lacagta uu Wasiirku ku soo rogay Rakaabka Madaarrada dalka ka dhoofaya oo ay Xildhibaannadu sheegeen inay tacaddi, hanta-boob iyo sharci-darro Wasiirku jeebkiisa kala soo baxay tahay ee aanay wax sharci-dejinta soo maray oo la ogyahay ahayn.

Haddaba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Cabdillaahi Aadan oo sheekaduusu ka dhigan tahay ‘LOO YEEDHIYE SII YEEDHIYEY’, ayaan faahfaahin cad oo lagu qanco haba-yaraatee ka bixinnin Lacagta lagu eedeeyey in Wasiirku sharci-darro ku korodhsaday oo uu Jeebadaha Shacabka ku baadhanayo, balse waxa uu ku andocooday inay lacagtaasi sharci tahay oo aan wax la kordhiyey jirin ee ay tahay tii hore-ba loo qaadi jiray.

“Dadka soo degayey oo sannadkan aad u badnaa waxaannu dareennay in dadku marka ay noqonayaan iyaga oo bilaa Lacag ah Madaarka yimaaddaan oo aan ku soo talo-gelin cashuurta. Wasaaradda Duulistu iyada oo arrintaas ka duulaysa waxay isku dayday in ay wacyigelin samayso waxaanay ku amartay shirkadaha diyaaraduhu markay dadka Buukinka u samaynayaan in ay ku war geliyaan Lacagta cashuurta ah, sidoo kalena waxaannu la xidhiidhnay Shirkadda Telesom si ay Mobile-lada (Taleefannada Gacanta) farriimo loogu diro dadwaynaha, lana ogeysiiyo cashuurta looga baahan yahay inay bixiyaan marka ay dhoofayaan.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha Duulista oo maanta la hadlay TV-ga dawladdu Maamusho iyo Weriye kale.

Waxaanu Agaasimaha Duulistu intaas ku ladhay oo uu yidhil; “Cashuurtaas oo dhan $33 dollar oo wasaaradda Maaliyadu ay qaado sidii caadiga ahayd iyo $10kii doolar ee Amaanka madaaradda ee golaha wakiiladu ansixiyey. Wadarta lacagtaas qofka dhoofaya looga baahan yahay waa $43 doolar oo horeba loo qaadi jiray, imikana la qaado ayaanu dadka fariimo ugu dirnay si ay ugu soo talo galaan.”

Hase-yeeshee, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Cabdillaahi Aadan oo ku dhawaaqaya Erayada Wasiirka Duulistu u yeedhiyey ee gefka ku ah Mudanayaasha Shacabku doortay iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, waxa uu yidhi; “Aad iyo aad ayaannu uga xunnahay Xildhibaanno waaweyn oo dadka iyo dalkuba soo doortay in ay ka gaabiyaan Mas’uuliyaddii dadka ka saarnayd oo wax aanay xog-ogaal u ahayn Saxaafadda u soo bandhigaan, taasoo ku tusaysa sida aanay ugu kuur-gelin arrintan intaanay Saxaafadda soo hor-fadhiisan, waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aan cashuurtaas hal Doollar lagu kordhin. Waxaanse idiin sheegayaa Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xildhibaannada Mucaaridka ahiba wararka ay dadka u gudbiyeen in ay yihiin warar aan jirin, oo aan sal iyo raad toona lahayan.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulist Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdillaahi Aadan, ayaa haba-yaraatee Xildhibaanna iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaarka ahi aanay soo hadal-qaadin, isla markaana aanay jirin eedayn baahsan oo ay guud ahaan Wasaaradda Duulista u jeediyeen, balse tallaabada dhaqaale urursiga cusub lagu bilaabay keliya ku eedeeyey Wasiirka Wasaaraddaas Maxamuud Xaashi Cabdi, hase-yeeshee, waxa uu Agaasimahan jawaabta bixiyey u muuqdaa Mikirifoon (Cod-baahiye) uu Wasiir Xaashi u isticmaalay aflagaaddaynta Xildhibaannada iyo Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo WADDANI.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.