Rabshado Hadheeyey Maraykanka iyo Sababaha keenay

Ferguson(Aftahannews):- Sarkaalka ugu sarreeya howlgalka degmada Ferguson ee Missouri, ee horey Boliisku ku toogteen Wiil madow ah oo aan hubaysnayn, ayaa sheegay in dambiilayaal ay ku dhex dhuunteen dadka dibadbaxayay.

Fegurson

Ron Johnson aya sheegay in qaar ka mid ah dadkii la xiray habeenimadii ay ka yimaadeen meelo fog fog sida New York iyo California.

Waxa uu difaacay askartiisa, isaga oo sheegay in ay la kulmeen rasaas xooggan sidoo kalena lagu soo weeraray dhagxaan iyo dhalooyin laakiin aysan ridin wax rasaas ah.

Rabshadaha ka socda degmada Fergurson ee Missouri ayaa billawday kaddib markii boliisku toogteen wiil madow ah oo aan hubaysnayn.

Xigasho BBCSomali.com.