Madaxweyne Siilaanyo iyo Nicholas Kay Maxay Maanta ka wadahadleen Sannad & bil Cadho ah ka dib?

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaalida Nicholas Kay oo shalay Hargeysa soo gaadhay, kaasoo uu Madaxweynuhu Xafiiskiisa ku qaabbilay.

 KULANKA SIILAANYO IYO NICHOLAS KAY AFTAHANNEWSDSC_0048 KAY IYO BIIXIDSC_0066  KULANKA SIILAANYO IYO KAY AFTAHANNEWS   NICHOLAS KAY IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND AFTAHANNEWS SIILAANYO IYO NICHOLAS KAY AFTAHANNEWS

Kulankaas oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire.

Waxa uu kulankaasi ahaa mid gaar ah oo aanay Warbaahintu goob-joog ka ahayn, hase ahaatee, waxa markii laga soo baxay Warbaahinta Sharraxaad ka siiyey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi iyo Dan-jire Nicholas Kay oo ay Weriyeyaashu su’aalo kala duwan ka weydiiyeen waxyaabaha ay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweye Siilaanyo oo muddo sannad iyo bil ah khilaaf ku kala maqnaa.

Halkan hoose ee Aftahannews/Radio ama qaybta CODKA ah ee AFTAHANNEWS, ka dhegayso Codka Shirka Jaraa’id ee ay Maxamed Biixi iyo Nicholas Kay ku wada qabteen Madaxtooyada kulankaas ka dib.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Nicholas Kay, ayaa sannad iyo bil ka hor isku khilaafay furista Xafiiska UNSOM ee Hargeysa, ka dib markii ay isku fahmi waayeen wax ka beddelka Siyaasadeed ee Soomaaliya ee Xafiiskaasi u dhisan yahay, markaas oo uu Kay iyo Xafiiskiisu-ba cusbaayeen, waxaanay is-fahan-la’aantaasi sababtay in Madaxweyne Siilaanyo ku yidhaahdo Nicholas, ‘iiga bax dalkayga, dibna ha ugu soo noqon iyo weedho kulul oo la mid ah.’ Sida uu Nicholas Kay ku sheegay waraysi uu bixiyey dhawr bilood ka hor isagoo jooga dalka Maraykanka.

Balse weli Somaliland may caddaynin waxa iska beddelay mawqifkeedii hore ee ay ku diidday Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM iyo in Kay iska beddelay wixii ay hore isugu diideen toona, balse waxa jira isu-soo-dhawaansho iyo dano dhinac walba khasbay, iyada oo Casuumadda uu Hargeysa ku yimi Danjire Kay ay Somaliland lahayd.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.