Maamuus-ka-xayuubinta Wasiirka awoodda sheegta ee Duulista oo Golaha Wakiillada loo gudbinayo

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay Mooshin Maamuus-ka-xayuubin ah ku soo oogayaan Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, ka dib markii uu ku tallaabsaday urur-siga Lacago Sharci-darro iyo Xaaraan uu ku tilmaamay Xildhibaanku oo ay Wasaaraddu sheegtay in laga qaadi doono dadka ka dhoofaya Madaarrada dalka.

Xildhibaan BASHIIR TUKAALEwasiirka-duulista

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ahaa Mudanayaal Shirka Jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu ka hadlay lacag lagu kordhiyey farriin lagu soo diray Taleefannada gacanta ee ay sitaan dadka isticmaala Kaadhka ama Jib-kaadhka Shirkadda dhiig-miiratada ah ee TELESOM oo ah ta ay dadku inta badan sitaan Kaadhkeeda, taasoo lagu sheegay in qofkasta oo garoonnada diyaaradaha ka dhoofayaa uu ku soo talo-galo inuu bixiyo $43 Doollar oo Cashuur ah, 15-jir qofka ka yarina ku soo talo-galo $10 Doollar, iyada oo ay toban Doollar oo keliyi ansax Golaha Wakiillada soo maray ay ka yihihiin.

“Horta waxaan Golaha Wakiillada la marin oo ummadda laga qaadi karaa ma jiraan oo waa Xaaraan. Waxa wax lala yaabo ah Farriimo ayaa dadka loo soo dirayay la leeyahay Lacagtaas ayaa la qaadayaa oo intaas ah, ma isagaa Sharciga samaysta Ninku (Wasiirka Duulista)? Waxani waa jeebkiisa Ummaddana waxaannu u sheegaynaa 10 Doollar ayuu Goluhu ansixiyay in laga qaado dadka Madaarrada ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya, wixii kale waa sharci-darro, waa jeebkiisa, waxay qayb ka tahay Lunsiga Hantida ummadda ee la wado.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Waxaanu Xildhibaan Bashiir Tukaale intaas ku daray oo uu yidhi; “Markaa, waxaannu leenahay ummadda iska jira jeebkiinnana gacanta ha gelinnina arrintaasi waa xaaraane. Waxaannu immika soo jeedinaynaa sidii uu Goluhu kalsoonida ugala noqon lahaa, Madaxweynuhu ama xilka ha ka qaado ama yaanu ka qaadine.”

Maamulka Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo Wasiirku Amro, ayaa 14-kii bishan Shirkadda Xayaysiisyada Warbaahinta Boobta ee lagu magacaabo TELESOM Taleefannada Kaadhkeedu ku jiro soo mariyey farriin ay u dirayaan dadweynaha reer Somaliland, taasoo ay dadka doonaya inay ka dhoofaan Madaarrada dalka ku ogeysiisay inay ku soo talo-galaan lacag dheeraad ah oo qayrul-sharci ah oo la kordhiyey, iyada oo markii horeba cabasho weyni ka taagnayd Madaarka Hargeysa oo ay dadweynuhu dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jirineen markay dhoofayaan iyo markay soo degayaan-ba.

“Waxa uu Maamulka Madaarka Cigaal INTERNATIONAL ee Hargeysa ogeysiinayaa Rakaabka ka dhoofaya Madaarrada Somaliland in ay ku soo talo-galaan nLacagta Cashuurta Madaarrada oo kala ah sidan; dadka da’doodu ka weyn tahay 15-jir Cashuurtu waa $43 Doollar, dadka da’doodu ka yar tahay 15-jir Cashuurtu waa $10 Doollar, si ay u fududaadaan Kuyuuga iyo Habsami-u-socodka hawlaha Dhoofku. Mahadsanidin.” Sidaa waxa lagu yidhi Ogeysiiska Farriinta ah ee la soo mariyey Taleefannada Gacanta ee Kaadhka Shirkadda Qawlaysatada ah ee Telesom ku jiraan Taleefannadooda.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka mid ah Wasiirrada dhawrka ah ee awoodda badan ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo la sheego inuu ka mid yahay dhawrka Wasiir ee habka beelnimo awoodda badan ku leh, taasoo uu sida isagu uu doono inuu ugu tagri-falo awooda dheeraad ah ay ku eedeeyaan Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ka tirsani, waxa sidan uu u yeelayana ay dad badani aamminsan yihiin inay tahay isku-hallaynta dhinaca Madaxweynaha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.