Nuxurka Farriin Somaliland ka dhan ah oo uu Nicholas Kay ka sido Madaxda Dhaqanka Puntland

Himilo oo Afhayeenka UNSOM ka Waraystay Dulucda rasmiga ah ee Socdaalka Nicholas Kay Hargeysa ku yimi iyo waxa iska beddelay khilaaf ay Somaliland ku kala maqnaayeen

“Tallaabada xigta Maanta iyo Berri (shalay iyo maanta)…..Waxay ahayd June, sannadkii hore…aan idhaahdo, Safarkan waa inaan ku dhisnaa…”

“Waxaanay ahayd dedejinta Fursaddii ugu horreysay uguna mudnayd ee aan helno wixii ka dambeeyey bishii Ramadaan si aannu Somaliland u nimaadno…” Afhayeenka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Aleem Siddique: Waraysi Gaar Ah

NICHOLAS KAY IYO WASIIRU-DAWLAHA ARRIMAHA DIBEDDA SOMALILAND

Hargeysa(Aftahannews):- Afhayeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaalida ee UNSOM Aleem Siddique, ayaa Waraysi gaar ah oo Wargeyska Himilo xalay la yeeshay waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada rasmiga ah ee socdaalka uu shalay Hargeysa ku yimi Danjire Nicholas Kay oo ay Somaliland ugu dambaysay markii ay isaga iyo Xukuumaddu isku khilaafeen qorshe uu doonayay inuu Xafiiska UNSOM kaga furo Hargeysa sannadkii hore oo u cuntami waayey Somaliland.

Aleem Siddique

Hase-yeeshee, Afhayeenka ayaa Waraysiga gaarka ah ee uu Wargeyska Himilo xalay la yeeshay, waxa uu ku sheegay inay Hargeysa ku yimaaddeen Marti-qaad iyo yeedhmo rasmi ah oo ay ka heleen Wasiirka arrimaha dibedda iyo Madaxweynaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana tallaabo kasta oo ay qaadi doonaan ku xidhaan doonto habka is-faham iyo natiijada ka soo bixi doonta kulammo iyo wadahadallo ay wada yeelan doonaan Nicholas Kay iyo Madaxda Somaliland oo uu xusay inay inta badan Rabitaanka Madaxda iyo danaha Shacabka Somaliland.

Afhayeenka Xafiiska uu Nicholas Kay Madaxda ka yahay ee UNSOM, Aleem Siddique ee magaalada Muqdisho, oo ugu horreyn ka jawaabayey su’aal uu Weriyaha Wargeyska Himilo weydiiyey oo ahayd waxa ay ku salaysan tahay ujeeddada rasmiga ah ee Socdaalka Danjire Kay uu shalay ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa uu yidhi; “Nicholas Kay wuxuu ku yimid Somaliland codsiga Wasiirka Arimaha dibedda iyo Madaxweynaha Somaliland u soo direen, Marti-qaadkuna waxa ku caddaa, sidii loo lafo-guri lahaa dib-u-eegisna loogu samayn lahaa sii xoojinta iyo sal-u-dhigista Xukuumadda Somaliland iyo Kaaliyaha Qaramada Midoobay ee Hawlgalka Soomaaliya. Haddii aan kuu sii qeexona wuxuu daarranaa in dib la isula eego goobaha iyo gobollada wada-shaqaynta labada dhinac ka hirgeli karto.”

“Tallaabada xigta Maanta iyo Berri (shalay iyo maanta) waxaannu ka wadahadli doonnaa Xukuumadda Somaliland, xaaladaha Bina-aadaminnimo, kuwa Horumarineed, Dib-u-habaynta qaybaha ammaanka iyo arrimaha Hawada oo iyana arrin meesha yaal ah iyo hawlaha kale ee Madaxda Somaliland noola yimaaddaan, waxaanan eegi doonnaa sidaannu uga gacan-siin karno Maamulka Somaliland waxyaabahaas nooga soo baxa wada-sheekaysigayaga.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka UNSOM Aleem Siddique.

Waxaanu Afhayeenka oo hadalka Jawaabtiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxay ahayd June, sannadkii hore.. aan idhaahdo, Safarkan waa inaan ku dhisnaa, kuna xoojinnaa xidhiidhka annaga iyo Somaliland noo dhexeeya. Markaa, maanta booqashadayadani waxay noqonaysaa tii koowaad tan iyo sannadkii hore, tan ayaana noqonaysa meesha laga bilaabayo, Bar-bilowgan ayaana lagu bilaabayaa sidii aannu u dhisi lahayn xidhiidh wada-shaqayneed oo faa’iido u ah shacabka Somaliland.”

Afhayeenka Xafiiska UNSOM oo la weydiiyey su’aal u dhignayd,  ‘Sannadkii hore markuu Nicholas booqashada ku yimi Somaliland, waxa uu doonayey inuu Hargeysa ka furo Xafiiska UNSOM, balse waxa jiray arrimo ay isku fahmi waayeen Xukuumadda Somaliland. Immika Safarkiisu Muxuu kaga duwan yahay kaas hore, Mase idiin qorsheynsan tahay inaad Hargeysa ka furataan Xafiiskaas?’ waxa uu ku jawaabay, “Way jirtaa.  Laakiin, waxay noqonaysaa deg-deg (kama jawaabi karo), haddii aan idhaahdo immika waxaas ayaa noo qorshaysan inaan samayno, maxaa-yeelay? Kulammadan ayaannu ka dhur-sugaynaa inay nooga soo baxaan oo aannu ku eegi doonno sidii wada-shaqayn aannu u yeelan lahayn Maamulka Somaliland. Markaa, Safarkani waa kii koowaad, Booqasho rogaal-celin ah ayaannu samayn doonnaaynaa mar kale oo aannu u soo diraynaa koox hawl-wadeennadayada ka mid ah, soona indha-indheeya sidii xidhiidhkaas loo sii xoojin lahaa.”

Mar la weydiiyey Su’aal nuxurkeedu ahaa Qorshayaha uu xafiiskoodu kaga hawl-gali doono Somaliland, waxa uu ku jawaabay oo yidhi, “Waxaa na hoggaamin doona oo aannu ku hawl-gelli doonnaa sida ay muhiimadda u kala leeyihiin ee Madaxda Somaliland u qorsheeyeen. Iyagaa ah Madaxdii Somaliland, waxaanay leeyihiin qorshayaal Siyaasadeed oo u dejisan hormaynta sida ay hawluhu u kala mudan yihiin.  Waxaannu isla eegi doonnaa sidii aannu u waafajin lahayn Taageeradayada qorshaha Qaran ee u yaalla dawladda Somaliland, sida ay Madaxdu u kala door-bidaan.”

Danjire Nicholas Kay, ayaa ka hor intii aanay socdaalkiisa ku iman Somaliland, waxa uu safar hal maalin qaatay ku tagay maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaanu kulamo la qaatay madax-dhaqameed, bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiinta maamulkaas. Sidaas Awgeed, afhayeenka UNSOM oo aanu weydiinnay inuu jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya socdaallada uu isaga dab-qaaday Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, waxa uu ku jawaabay, “Maya! Ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeyaa ee aan ahayn, in Somaliland aannu u tixgelinayno si la mid ah sida Meelaha kale oo dhan oo ay ku jiraan Deriskeedu. Booqashadanina waxay ahayd mid ku timid dalabka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, waxaanay ahayd dedejinta Fursaddii ugu horreysay uguna mudnayd ee aan helno wixii ka dambeeyey bishii Ramadaan si aannu Somaliland u nimaadno,” ayuu yidhi Afhayeenka UNSOM Aleem Siddique oo isaga ku sugan magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya oo khadka telefonka ugu warramay Tifaftiraha Himilo Khadar Iid Kaariye xalay.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa shalay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxa uu u warramay Warbaahinta, waxaanu sheegay in Safarkiisu ugu yaraan maalin iyo laba qaadan doono, isla markaana inta uu joogo la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno Wasiirrada Xukuumadda ka tirsan, isla markaana ka wadahadli doonaan arrimo muhiim ah.

“Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay samaysay horumar baaxad weyn taas oo ay Xukuumadda iyo dadkuba u qalmaan in si dhammeystiran loogu ammaano. Waan ka mahad-celinayaa fursaddan la ii siiyey si aan u daraaseeyo qaabka loo sii kordhin karo loona xoojin karo wada-shaqayn dhex-marta UNSOM iyo Somaliland, taasoo dan u ah dadka,” sidaa ayuu yidhi Nicholas Kay, oo ay Madaarka ku soo dhaweeyeen Wasiirro Xukuumadda ka tirsan.

Inkasta oo Afhayeenka Nicholas Kay ku dooday inaanu jirin xidhiidh ka dhexeeya Safarka uu Kay isagaga dab-qaaday Maamul-goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland, haddana sida uu caddeeyey Afhayeenka Isimada maamul-goboleedka Puntland Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo ka mid ahaa Madax-dhaqmeed reer Puntland ah oo ay shalay kulan gaar ah ku wada yeesheen Garoowe intii aanu ka soo dhoofin Kay gelinkii hore ee shalay, waxay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha gobollada ka tirsan dalka Somaliland ee Maamulka Puntland sida gardarrada ah u sheegto lahaanshohooda.

“Maamullada hadda laga dhisayo Saax-dheer iyo islamaannaan soo qaadin, laakiin Somaliland faro-gelinteeda waannu isla soo qaadnay, wax la oggol yahay maaha, waxay dhulkaasi leeyihiinna maaha, qoraal-na shalay  (dorraad) baa Ragga qaarkii u dhiibay, markaa isagu Hargeysa ayuu aaday, Hargeysa hadday dacwad qabto oo wax la garan karo sheegto wax la garan karo ayaa loogu jawaabayaa baa la yidhi. Laakiin, sidani si la yeelayo maaha, haddii la iska wado dadku dhul maaha ee waa Bina-aadam dul-qaadkiisu xad buu leeyahay dhinac kastaba,” ayuu yidhi Afhayeenka Isimada maamul-goboleedka Puntland Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo kulanka ay shalay wada-yeesheen Nicholas Kay ka dib u warramay warbaahinta ka hawl-gasha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Xigasho Wargeyska Himilo.