Golaha Ammaanka oo Cuna-qabatayn culus ku soo Rogay Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish

New York(Aftahannews):- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in la sameeyo qaraar lagu sharaxayo sida loogu baahan yahay in cuna-qabateeno lagu soo rogo shakhsiyaadka ku lug yeesha inay ciidan u qoraan, dhaqaale iyo hubna siiyaan ama u dagaalamaan kooxaha xagjirka ah.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu wiiqo kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Qaraarkan ayaa lagu sheegay in lix qof lagu soo rogayo mamnuucid dhanka safarada caalamiga ah, hantidooda oo la xayiro iyo cunaqabateen dhanka hubka ah.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Samantha Power, ayaa sheegtay in qaraarkan uu caawin doono inuu dabciyo ama joojiyo dagaalyahanada shisheeye ee kooxahaasi galaya iyo hubka ay helayaan.

Dhanka kale safiirka Britain u jooga Qaramada Midoobay, Sir Mark Lyall Grant, ayaa sheegay in saameynta qaraarkan la dareemi doono oo kaliya mustaqbalka fog.

Xigasho BBCSomali.com.