Siilaanyo oo Masuuliyiin isku wada reer ah u diray Deegaan Dagaal ka dhacay oo Saraakiil lagu dhaawacay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo yo Xukuumaddiisa, ayaa Wefti dhinac ka raran u diray deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18KM geesta Waqooyi ka xiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii gelinkii hore ee Jimcihii shalay dagaal ka dhacay deegaankaas oo ay Masuuliyiinta gobolka iyo Degmadu u tageen fulinta go’aanno ay Xukuumadda Siilaanyo ka soo saartay badhtamaha toddobaadkii hore.

Weftiga ay Xukuumaddu dirtay oo Xalay ka baxay magaalada Hargeysa, ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Xildhibaan Axmed Maxamed Diirye Nacnac iyo Jamaal Caydiid Ibraahin oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul-ka-saarka Somaliland, kuwaasoo dhammaantood ka soo jeeda Beesha Cabdalla Arab oo Malleeshiya ka tirsani weerarka dagaalka shalay dhacay qaadeen.

Dagaalka Jimcihii shalay Deegaanka Balliga Diirye Guuleed ka dhacay ayay soo qaadeen Ciidan-beeleed beesha Cabdalla Arab ka tirsan, ka dib markii ay gelinkii hore ee Jimcaha halkaas tageen Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye iyo Masuuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka Burco iyo Boolis si ay u baabbi’iyaan Dargado iyo Waabab meesha ka dhisnaa, una aasaan Balliga, oo ay sheegeen inay hawshaas fulinteedu qayb ka tahay hirgelinta go’aannada ay Wasiirro Xukuumadda ka trisani soo saareen toddobaadkii hore oo ay ku sheegeen inay go’aamiyeen inaan la magaalayn karin deegaankaas ee uu yahay Xoolo-daaqeen, lana baabbi’iyo Barkado iyo Dargado laga dhisay, iyadoo Barkadaha hore loo aasay.

Waxaanay Malleeshiyo-beeleedku weerareen markii ay Masuuliyiinta iyo Ciidammada halkaas joogay iyo kuwa Masuuliyiinta la socday-ba ay guda galeen duminta Dargadaha iyo Aasidda Balliga, markaas oo sida ay dad goob-joogayaal ahi u sheegeen Aftahannews ay ka xanaaqeen Beesha Cabdalla Arab sida ay Xukuumaddu wax u galayso, iyaga oo Beeshaasi go’aanka Wasiirrada ka dib sheegay inaanay ku qanacsanayn go’aankaas, isla markaana u arkaan go’aan loogu danaynayo Beesha Reer Biniin oo ka mid ah Beelaha Habar-jecle oo ay sheegeen inay ka soo jeedaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Maayerka Magaalada Burco.

Waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay laba Sarkaal oo kala ah Abbaanduulihii Ciidanka Millateriga ee gobolka Togdheer iyo Taliyihii Ciidanka Booliska dawladda hoose ee magaalada Burco iyo Nin ka dhaawacmay Beesha Cabdalla Arab ee dagaalka qaadday, kuwaasoo dhaawacyadooda loo qaaday Cusbitaalka guud ee magaalada Burco, balse fiidkii shalay Abbaanduulaha qaybta Millateriga gobolka Togdheer loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Dhakhaatiirta Cusbitaalka Burco sheegeen inaanay waxba ka qaban karin dhaawiciisa oo ah gacanta meesha xagasha la yidhaahdo oo burburtay, isla markaana u baahan in Biro la geliyo, sida ay aftahannews u xaqiijiyeen qaar ka tirsan Dhakhaatiirta ka hawlgala Cusbitaalka guud ee Burco.

Lama garanayo illaa hadda Xalka ay Xubnaha Weftiga la sheegay inay Xukuumaddu xalay dirtay si ay ula hadlaan Beesha ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan ee dagaalka qaadday waxa ay kala kulmi doonaan iyo go’aanka ay kala soo noqon doonaan.

Xukuumadda ayaa toddobaadkii hore deegaankaas u dirtay Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo u dhashay gobolka Awdal iyo Wasiirrada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Cali Siciid Raygal iyo Caddaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, kuwaasoo labadooduna ka soo kala jeeda labada Beelood ee ku muransan Magaalaynta Balliga Diirye Guuleed ee Cabdalla Arab iyo Reer Biniin (Habar-jeclo), waxaanay go’aannada ay soo saareen Beesha dagaalka shalay qaadday ku tilmaameen kuwo aanay marna u hoggaansami doonin oo dhinac ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.