Suldaanka Guud ee Beelaha Arab oo Si Adag ula hadlay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Abgaal

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa si adag uga hadlay dagaal ka dhacay Deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18 MT ka xiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaasoo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo laba ka tirsani Saraakiil Ciidan yihiin, ka dib markii ay isku dhaceen Ciidan Millateri ah oo ay Xukuumaddu geysan deegaankaas oo laba beelood ku muransan yihiin oo mid ka mid ahi ku gacan-saydhay go’aan Xukuumaddu ku mabnuucday in magaalo ahaan loo dego halkaas.

SULDAAN CUMAR SULDAAN MAXAMED SULDAAN FAARAX

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu Baaq culus u diray Madaxweyne Siilaanyo, Xukuumaddiisa iyo Wasiirrada go’aanka Beeshiisu ka biyo-diidday ka soo saaray deegaankaas. Waxaanu sheegay in Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu u xagliyeen dhinaca Beesha Reer Biniin ee Habar-jeclo, isla markaana ay ka eexdeen Beesha Cabdalla Arab oo lixdameeyo sano ka badan halkaas deegaan ku ahaa.

“Xukuumaduhu waxay sharaf, haybad iyo karaamaba ku yeeshaan,markay tix-geliyaan qoraalada ay Xukuumadaha ka horreeyay ay sameeyaan, Xukuumadihii ka horreeyey Xukuumaddan immika meesha joogta, halkaa (Balliga Diiriye Guuleed) dhawr goor oo ay wax ka dhaceen waa lagu wadahadlay, qoraallo ayaa laga soo saaray deegaannimadeeda,qoraallada laga soo saaray magac dawladeedna way ku socdeen haybadii dawladnimana way wateen.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cumar.

Waxaanu Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Masuuliyiintan immika ku fadhida xukunka, qoraalo ay iyagu sameeyeen kuma fadhiyaan ee waxay ku fadhiyaan, qoraallada dawladda Hoose sameeyeen ama dawladaha ka horreeyay. Hadday dhacday inay tix-gelin waayeen qoraallada ka horreeyay waxay u muuqanaysaa inay iyaguna sifo xaaraanna ku fadhiyaan marka la eego caalamka.”

Waxa uu Suldaan Cumar ku tilmaamay arrintaas mid fool-xun, waxaanu yidhi; “Arrintaasi waa arrin aad iyo aad u fool xun, dhacdada laga sameeyey meesha waa dhacdo aad u fool xun, manaaha in dhacdo kasta la yidhaahdo dawladdii way khaldantay oo dib loogu noqdo, ee marka hore ayaa fiican in laga fiirsado.Dadkan ciidanka la gelinayaana maaha dad xaq u leh in ciidan la geliyo, waa dad degen dhulkoodii,kolayna xoog lagagama rari karo, ninkasta oo u tagaa isaga iskaga tagaya,waxa muhiima in nabadda dalka la ilaaliyo, laakin looma jeedo.”

“Annaga reer ahaan (ARAB) waxaad mooddaa in Barnaamij kale looga dan leeyahay ficiladan foosha-xun ee mar-walba la sameynayo,doorashooyinkii ayaan dib u xasuustaa oo lagu sameeyey wax bini’aadanimada ka baxsan, inkasta oo aan la gaadhin u-jeedooyinkii laga lahaa, waxa ku xigtay doorashooyinkii deegaanka Hargeysa. Waxa taa ku xigtay iyada oo laga hadlayo Biyaha Magaalada Hargeysa ayaa waxa si toosa la noogu yidhi qorshihii biyo-gelinta Magaalada Waaxda Axmed-Dhagax kuma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Waxaanu Suldaan Cumar oo la hadlaya Madaxweyne Siilaanyo uu yidhi; “Madaxweyne Siilaanyana waxaannu leenahay, haddaad diiddo sharcigii ka horreeyay adiguna sharci kuma fadhidid, reerkiinna ayaad meesha u fadhidaaye haddaad dhul u doonayso, dagaalka soo gal halkan ha ka talinine. Ummadda Somaliland-na waxaanu u sheegaynaa,marwalba annagu nabadda diyaar ayaanu u nahay, laakin quja-qujeynta ayaa nagu baddan,waxa la naga doonayaana waxa weeyaan in na loo bisleeyo Somaliland oo la doonayo in dib loogu celiyo Soomaaliya, inaanu annagu nidhaahno Somaliland waanu ka noqonay, inta qof naga nool-yahayna ka noqon mayno.”

Suldaan Cumar waxa uu ku taliyey in deegaanka Balliga Diiriye Guuleed sidiisi hore loo daayo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaan u soo jeedinayaa qolada Ciidanka ah ee meesha la geliyay ee la adeegsaday, Wasiirradan sidii babqaaga u qeyliyay ee yidhi; ‘waxaannu jeedinaynaa go’aan ninkii Wasiirka ahaa ee meesha ka hadlayey (Wasiirka Boosaha Maxamed Jaamac Abgaal), waxay ahayd inuu reerkooda arrinkiisa ka taliyo, waxa hadaladiisi ka mid ahayd dhulka waa la wada leeyahay, haddii dhulka la wada leeyaha qaxoontiga CIISAHA maxaa dhulka loogu diiday? u sheeg reerkiina taa.Waxaan leeyahay arrinkaa dib ha looga noqdo, deegaankaana (Bali-Diiriye Guuleed) sidiisa ha loo daayo,haddii taa la diido ta la doonayo ayaanu idin la qaadan doona.Nin waliba waxa uu ka maalo waa la arki doona, wanaag iyo nabad ayaanu doonaynaa.”

“Waa in arrintaasi laga noqdaa, dadka deegaankooda faraha looga qaado, Ciidamadaa meesha la geeyayna laga qaado. Haddii la doonayo Somaliland dadka quja-qujeynta ha laga daayo,xili laguugu kordhinmaayo Cabdalle Arab dagaalkiisa iyo Ciidaan la dul-geeyo. Nin-waliba maalintiisu markay u dhamaato (Madaxweynanimada) uu ka soo baxayaa, Daahir Rayaale ayaad ku odhan Jirtay budh ayaan kaga soo saaraynaa,adiga(Madaxweyne Siilaanyo) wax kale ayaa lagaaga soo saari, hadaad cagaha dhigan-weydo,Waxaan ku soo jeedinayaa masuuliyad ayaa lagu dhiibay, dad iyo dal ayaa lagugu aaminay, sidii laguugu aaminay u dhiib.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo Xalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.