Madaxweyne Obama oo Saxeexay Dhaqan-galka Xeer Xawaaladaha Soomaalida ka qaadaya culays badan

Washington(Aftahannews):- Madaxweynaha dawladda Mareykanka Barack Obama, ayaa saxeexay dhaqan-galka sharciga horumarinta Xawaaladaha oo uu dhawaan ansixiyay Aqalka Senateka ee Sharci-dejinta Maraykanka.

DOLAR

Barack_Obama_speaks_in_Cairo,_Egypt_06-04-09

Sharcigan ayaa khafiifinaya sharciyadihii hore ee dawladda Maraykankanku ku Maamulli jirtay Shirkadaha Xawilaadaha Lacagaha kala duwan ee Maraykanka, oo ay aad uga faa’ideystaan Soomaalida iyo Qowmiyadda Hmongka.

Sharcigan ayaa dhigaya in baadhitaannadii heerarka gobolka iyo dawladda dhexe ee lagu sameyn jirey lacagaha Xawilaadaha haatan loo sameyn doono oo keliya heer gobol. Isla markaana, waxa uu Sharcigan oo uu Obama shalay qalinka ku duugay dhaqan-galkiisu fududeyn doonaa dhibaatooyinkii Shirkadaha Xawilaadaha Lacagta xagga Xisaabaadka iyo baadhitaannada ka heystay, kaasoo ay hore qarashaad badan ugu bixin jireen Shirkaduhu muddo dheerna qaadan jirtey.

Mudanaha Congresska Mareykanka ka soo gala Gobolka Minnesotta oo ah gobolka ay dadka Soomaalida ku dhaqan Maraykanku ay ku nool yihiin, Cod badanna ka hela Soomaalida Mr. Keith Ellison, oo sharciga hormuud ka ahaa, ayaa soo dhaweeyay tallaabada Madaxweyne Obama ku saxeexay dhaqan-galka Sharcigaas. “Dhaqan-galka sharcigan waxa uu farxad iyo maalin weyn u yahay mujtamaca Qurba-joogta Mareykanka, gaar ahaan dadka Soomaalida iyo Hmongka ee aan matalo, kuna faano.”

Mr. Ellison, ayaa isagu ka soo shaqeeyay Xeerkan waxaana sidoo kale uu wadey olole ah in Xawaaladaha Soomaalida laga qaado Xayiraaddii xagga Bangi-yada  Mareykanka ee ay Xisaabaadka ku lahaayeen laga saaray.

Qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, ayaa sidoo kale dedaal xooggan ugu jiray sidii loo badbaadin lahaa Xawaaladaha oo ah marin isku xidha taageerada Qurbo-joogta iyo Malaayiin Eheladooda ah oo ku nool dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, kuna tiirsan gacanta iyo lacagaha ay Eheladooda Qurbaha ku nool ka helaan ee ay Xawaaladaha u soo mariyaan bil kasta ama wax u dhigma.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.